alert - warning

This page has not been translated into Kreyòl. Visit the Kreyòl page for resources in that language.

Dadka ka Badbaaday Dabka Oregon Waxay Weli Karaan Kaalmada Gobolka/Federaalka

world globe
Release Date:
Janvye 8, 2021

SALEM, Ore. – Dadka ka badbaaday burburka dabka 2020 waxay weli karaan ilo lagu taageero. Xafiiska Oregon u Qaabilsan Maamulka Degdegga (Oregon Office of Emergency Management and FEMA) waxay ka wada shaqeyaan guriyeynta, burburka soo gaaray hantida, ceymiska fattahaadda, la-tallinta lacag la'aanta, kaalmada sharciga lacag la'aanta iyo maamulka kiiska.

Ilaha Gobolka, Deegaanka iyo Bulshada

Waxaad Heli Kartaa La-tallinta Shiddada Lacag La'aanta: Khadka Telefoonka Kaalmada Ammaanka+Xoogga (Safe+Strong Helpline) waxaa heli kara caruurta iyo qaangaarka labadaba ee ka hortagga dhibka, murugada ama calaamadaha kale ee la xariira niyad jabka musiibada. Bogga internetka waxaa laga helaa ilo lacag la'aan oo qarsoodi ah si loo kaalmeeyo dadka ka badbaaday dabka ee ku sii socda in ay soo kabsadaan. Si aad u heshid kaalmo, wac 800-923-4357 ama booqo https://www.safestrongoregon.org/wildfire.

Nambarka Telefoonka Qashinka: Telefoonka Ciidanka Hawsha Maamulka Qasbinka (Debris Management Task Force) wuu furnaan doonaa waxaana la heli karaa 24/7 si loo weydiiyo su'aalaha ku saabsan nadiifinta iyo macluumaadka. Wac 503-934-1700 ama waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan bogga nadiifinta qashinka ka heli kartaa: http://wildfire.oregon.gov/cleanup.

Kaalmada Sharciga Musiibada: Adeegyada Sharciga Musiibada (Disaster Legal Services) waxay dhageystaan su'aalaha ay soo jeediyaan dadka ka badbaaday dabka. Booqo; oregondisasterlegalservices.org, ama wac 800-452-7636 ama 503-684-3763, Isniin ilaa Jimco 8 a.m. - 5 p.m.

211info: 211info waa urur aan fa'iido doonin oo maalgelin ka hela heshiisyada gobolka iyo dawladda hoose, mu'asasaadka, United Ways, deeqda iyo iskaashatada bulshada Oregon iyo Koofur Galbeed Washington. 211Info waxay awood siisaa bulshada Oregon iyo Southwest Washington iyadoo dadka ku kaalmeyso in ay aqoonsadaan, sahan ku maraan iyo ku xertaan ilaha deegaanka ay u baahan yahiin. Si aad ku-takhasusaha macluumaadka bulshada kala hadashid ilaha ku yaal xaafadaada: wac 211 ama 866-698-6155; adiga oo "zip code_kaaga" u dir 898211 adiga oo u qora; ama email u dira help@211info.org. Wakiilada waxaa la heli karaa laga bilaabo 8 a.m. ilaa 6 p.m., Isniin ilaa Jimco.

Weli Waxaa la Heli Karaa Kaalmada Federaalka

La soco FEMA: Arjiileyaasha waa in ay la xariiraan FEMA si loo hubiyo in hawsha kaalmada musiibada ku socoto sida loo qorsheyay. Macluumaadka la haynin ama aan sax ahayn waxay dhallin karaan in dib u dhac ku yimaado qaadashada kaalmada. Casriyey macluumaadka lagaala xariiro, soo sheeg burburka dheeraadka ah ee soo gaaray guriga ama dib u dhaca ku yimid sheegashooyinka ceymiska adiga oo raaca siyaabaha soo socdo:

  • Booqo bogga internetka DisasterAssistance.gov
  • Soo dagso FEMA app.
  • Wac Khadka Kaalmada FEMA 800-621-3362 (TTY: 800-462-7585). Waxaa la heli karaa hawlwadeno ku hadla luqado badan laga bilaabo 7 a.m. ilaa 10 p.m., todobo maalin todobaadkii.
  • Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay bixiyaan nambarka gaarka ah ee la siiyay adeeggaas. Waxaa muhiim ah in FEMA ay awood u yeelato in ay kula soo xariirto adiga. Waxaa dhici karto in telefoonada laga soo diro FEMA in ay ka yimaadaan nambar aan la aqoonin.
  • Inkastoo taariikhda ugu dambeyso dalabka FEMA la soo dhaafay, waxaa dhici karto in la qabto arjiyada lala soo daaho hadba sida kiiska yahay.

Maamulka Kiiska Musiibada: Xubnaha bulshada ee ku qoran brograamyada deegaanka/gobolka/qabiilka iyo/ama brograamyada federaalka ee bixiya maamulka kiiska waxaa lagu dhiiri gelinaa in ay la xariiraan iyo in ay xariiriyaan bixiyeyaashooda inta ay socoto dib u dhiska.

Hadda Iibso Ceymiska Fattahaadda Dadka Oregon ee daggan gudaha iyo agagaarka ay saameyeen dabka waxay halis badan uga jiraan fattahaadda ilaa dhowr sanno, musiibada kaddib. Haddii aadan horay u iibsanin ceymiska fattahaadda, waxaa muhiim ah in aad ku fakartid in aad iibsatid hadda. Waxay qaadataa 30 maalin kaddib marka la dalbado Brograamka Ceymiska Fattahaadda Qaranka (National Flood Insurance Program) (NFIP) lana hirgeliyo. Si aad u heshid macluumaad ku saabsan NFIP FEMA, booqo FloodSmart.gov. Haddii aad diyaar u tahay in aad iibsatid ceymiska fattahaadda, tag FloodSmart.gov/flood-insurance/buy. Si aad u heshid bixiyaha ceymiska fattahaadda kuu dhaw, booqo FloodSmart.gov/flood-insurance/providers. Ka hor inta aysan dib u dhisin, milkiileyaasha guryaha waa in ay la xariiraan sarkaalka dhismaha deegaanka iyo/ama maamulaha fattahaadda si loo hubsado in lala kulmay dhamaan sharuudaha dhismaha.

Deynta Musiibada SBA Inkastoo la soo dhaafay taariikhda u dambeyso ay milkiileyaasha guriga, kireesteyaasha iyo ganacsatada ku dalban karaan deynta musiibada korsaarka-yar ee Maamulka Ganacsatada Yaryar ee Mareykanka (U.S. Small Business Administration) (SBA), weli waxaad dalban kartaa Deynta Musiibada Dhaawaca Dhaqaalaha (Economic Injury Disaster Loan) (EIDL). Si aad u heshid macluumaad badan, wac 800-659-2955 (TTY: 800-877-8339) 5 a.m. ilaa 5 p.m. maalin kasta, waxaad email ku dirtaa su'aalaha adiga oo ku hagaajiya FOCWAssistance@sba.gov ama booqo sba.gov/disaster. Taariikhda ugu dambeyso ee la soo gudbiyo arjiyada ganacsiga iyo ururada aan fa'iidada doonin ee gaar loo leeyahay si loo qaato deynta dhaawaca soo gaaray dhaqaalaha waa Juun 15, 2021. Arjiileyaasha waxay arjiga ka buuxin karaan internetka https://disasterloan.sba.gov/ela/.

Waanada Hagaajinta Guriga oo Lacag La'aan ah Dhamaan dadka daggan Oregon - kana mid ah dadka ka badbaaday musiibada ay waxyeelada ka soo gaartay dabkii ka kacay Oregon iyo dabaylaha tooska u dhacay - waxay weli heli karaan waanada yareynta khasaarada ee ku kooban qofka oo laga helo Ku-Takhasusaha Yareynta Halista ee FEMA (FEMA Hazard Mitigation Specialist).   Si aad u heshid macluumaad ku saabsan sida loo dhiso ammaanka loona xoojiyo ama loo ogaado halista fattahaadda ku xigta dabka, email u dir FEMA-R10-MIT@fema.dhs.gov, kaddibna waxaa kuu soo jawaabi doono Ku-Takhasusaha Yareynta Halista FEMA (FEMA Hazard Mitigation specialist). Tani waa adeeg lacag la'aan ah.

###

SBA waa isha aasaasiga ee laga helo lacagta dawladda federaalka xagga dib u dhiska hantida gaarka muddada dheer ay burburka ka soo gaartay musiibada. SBA waxay kaalmeysaa dhamaan ganacsatada waaweyn iyo yaryar, ururada gaarka aan fa'iidada doonin, milkiileyaasha guriga, iyo kireestaha maalgeliya hagaajinta ama dadaalka dib u dhiska iyo kharashka ku baxa baddalaadda hantida qofka ee luntay ama musiibada burburisay. Deyntaan la xariirto musiibada waxay bixisaa khasaarada aysan si buuxdo u bixinin ceymiska ama kuwa ku hawlan dib u dhiska mana labolaabto manaafacaadka laga qaato wakaaladaha ama ururada kale. Si ay u helaan macluumaad dheeraad ah, arjiileyaasha waxay la xariiri karaan Xarunta Adeegga Macaamilka Kaalmada Musiibada ee SBA iyaga oo waca telefoonka (800) 659-2955), email u dira disastercustomerservice@sba.gov, ama booqda bogga internetka SBA sba.gov/disaster. Dhagoolaha iyo dadka maqalka jiga waxay soo wici karaan telefoonka (800) 877-8339.

Waa la heli karaa kaalmada looga kabsado musiibada iyadoo aan la fiirinin isirka, midabka, diinta, asal qaran, jinsiga, da'da, itaal darrida, aqoonta Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaalaha. Haddii adiga ama qof aad taqaanid la takooray, wac FEMA telefoonka lacag la'aanta FEMA 800-621-3362 (TTY 800-462-7585). Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay FEMA la socodsiiyaan nambarka loo siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in telefoonada FEMA laga soo diri karo nambar aan la aqoonsan karin. Waxaad heli kartaa hawlwadeno ku hadla luqado badan. (Riix 2 si aad u heshid Isbanish)

Waxaad Gobolka FEMA 10 (FEMA Region 10) kala socotaa Twitter iyo LinkedIn si aad u heshid wararkii ugu dambeyay iyo booqo FEMA.gov si aad u heshid macluumaad dheeraad.

Himilada FEMA waxay tahay in la kaalmeeyo dadka ka hor inta aan lala kulmin musiibada, inta ay socoto, iyo kaddib.

 

Tags: