U qalmida Gargaarka Musiibo ee FEMA: Shuruudaha Muwaadinimo iyo Xaalada Soo-galootinimo

FEMA iyo gobolka, dhulka ama dowlad qabiilka ayaa siin kara gargaar musiibo iyo mid maaliyadeed oo toos ah muwaadiniinta Mareykanka, jinsiyaadka Mareykanka iyo ajaaniibta u qalma.

Gargaarka musiibo waxaa kamid ahaan kara lacag loogu talagalay gargaar kiro, dayactir guri, khasaaro hanti shakhsiyeed, khasaaro caafimaad, kharashaad aas, iyo baahiyaha kala duduwan ee la xiriira musiibo ama kharashaadka aan lagu daboolin caymis ama qaabab kale.

Waxa diyaarsan, kheyraadka lagu maareeyo nolosha sida hooy, cunto iyo biyo, la-talin dhibaato, maareyn kiis musiibo, barnaamijka gargaarka nafaqada kabka ah ee musiibo iyo adeegyada sharci ee musiibo ayaa diyaar u ah ka-badbaadayaasha musiibo iyadoon loo eegeynin xaalad muwaadinimo iyo mid soo-galooti.

Qeexitaanada

Muwaadin Mareykan ah

Qofwalbo oo ku dhashay Mareykanka; qof ku dhashay bannaanka Mareykanka ee leh ugu yaraan hal waalid oo Ameerikan ah; ama qof si dabiici ah Ameerikan u noqday.

Jinsiyada Mareykanka

Qof oo ku dhashay lahaansho ka baxsan Mareykanka (i.e., American Samoa ama Jasiirada Swain) marka uu Mareykanka ama kadib la wareegay, ama qof waalidiintiisa yihiin jinsiyaad Mareykan ah. Dhammaan muwaadiniinta Mareykanka waa jinsiyo Mareykan ah, laakiin jinsi kasta Mareykan ah ma ahan muwaadin Mareykan ah.

Ajaanib u Qalma waxaa Ku Jira

  • Dadka Sida Joogtada ah Sharci ahaan u Degan (dadka haysta “Kaarka Cagaaran”)
  • Ajaanibka magangalyada la siiyey
  • Qaxootiga
  • Ajaanibka xaaladooda dib-u-celineed la hakiyey ugu yaraan hal sanno
  • Ajaanibka loo soo cafiyey Mareykanka ugu yaraan hal sanno ujeedooyin aadane ee degdeg ah awgeed ama faa’iido dadweyne oo muhiim ah
  • Dalka ka soo gala Cuba/Haiti
  • Ajaaniibta qaar ee lakala bedeshtay ama lamaanahooda ama caruurtooda
  • Dhibaanayaasha qaar ah oo ah nooca ka ganacsiga aadanaha, ay ku jirto dadka leh fiisaha “T” ama “U”
  • Dadka Sharciga ku degan sida uu qabo Ikaashiga Isku-jirka Xorta ah ee Gobolada la Federaaleeyey ee Micronesia, Jamhuuriyadda Jasiirada Marshall, iyo Jamhuuriyadda Palau
Graphic
Mixed group of people standing.

Haddii codsaduhu uunan kasoo bixin xaalada muwaadinimo ama soo-galootinimo xiliga codsiga, qoyska ayaa wali codsan kara noocyo kamid ah gargaarka federaalka haddii:

Waalidka ama masuulka cunug yar kaas oo ah muwaadin Mareykan ama ajnabi u qalma oo codsada gargaar iyagoo matala cunug yar, hadba intey isla guriga kula noolyihiin. Waalidka ama masuulka sharciga ah waa inuu u codsadaa sida la-codsade, ee cunuga yarna waa inuu ka hooseeyaa 18 xiliga musiibadu dhacday.

Dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegeynin xaalad muwaadinimo iyo mid soo-galooti waxey u qalmi karaan gargaar la-talin musiibo, adeegyada sharci ee musiibo, maareyn kiis musiibo, barnaamijka gargaarka nafaqada kabka ah ee musiibo iyo barnaamijyada kale ee lacagta-ahayn, nooca gargaarka musiibada degdega ah. Waxaa tani kujira daryeel caafimaad, hooy, cunto iyo biyo.

Kheyraadka Caawimaada

alert - warning

Shakhsiyaadku waa iney la tashadaan khabiir soo-galooti si ay u xaqiijiyaan haddii ay kasoo baxayaan shuruudaha xaalada soo-galootinimo ee quseeya gargaarka musiibada FEMA.

Intaa waxaa dheer, hay'adaha is-xilqaamay ayaa bixiya caawimo iyadoon loo eegeynin xaalad muwaadinimo ama soo-galootinimo.

Dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegeynin xaalad muwaadinimo iyo mid soo-galooti waxey u qalmi karaan gargaar la-talin musiibo, adeegyada sharci ee musiibo, maareyn kiis musiibo, barnaamijka gargaarka nafaqada kabka ah ee musiibo iyo barnaamijyada kale ee lacagta-ahayn, nooca gargaarka musiibada degdega ah. Waxaa tani kujira daryeel caafimaad, hooy, cunto iyo biyo.

Ka booqo bogga Ururada Is-xilqaamay wixii macaluumaad dheeri ah.

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay