alert - warning

This page has not been translated into Español. Visit the Español page for resources in that language.

Lama-Canshuuro Kaalmada Musiibada FEMA

Release Date:
febrero 25, 2021

Dadka ka badbaaday musiibada Oregon ee qaata Soshal Sekuriti ama kaalmada kale ee laga qaato gobolka, ama dawladda federaalka ma loo baahna in laga walwalo bacdamaa kaalmada musiibada ay saamayn karto manaafacaadkooda.

Kaalmada Musiibada Federaalka Looma Xisaabo Dakhli

Sharciyada Adeegga Dakhliga Gudaha (Internal Revenue Service) waxay qabaan in kharashka ku baxa daryeelka musiibada looma xisaabo sida dakhli hase ahatee ceymiska ama lacagaha la soo celiyo aysan bixinin kharashka.

Sida ay qabto IRS, kharashka lagu bixiyo musiibada waxaa ka mid ah kuwa soo socdo:

  • Kharashka macquulka ah ee lagama maarmaanka u ah qofka, qoyska, nolosha, ama kharashka duugta kana dhallata musiibada madax weynaha ku dhawaaqay. Waxaa ka mid ah caafimaadka, ilkaha, guriyeynta, hantida qofka ama baahida loo qabo gaadiidka ay musiibada ka dambeyso.
  • Kharashka macquulka ah ee loo baahan yahay lana galay si loo hagaajiyo ama loo dayactiro guri qofka leeyahay taasoo ugu wacan musiibada uu madax weynaha ku dhawaaqay. Guriga qofka wuxuu ahaan karaa guri la kireeysto ama guri aad adiga leedahay.
  • Kharashka macquulka ah ee loo baahan yahay laguna bixiyo hagaajinta ama baddalaadda hantida guriga qofka leeyahay taasoo ugu wacan musiibada madax weynaha ku dhawaaqay.

Lacagaha kaalmada musiibada la aqoonsan yahay waxaa kaloo ka mid ah kharashka la siiyo kuwa ay saamayso musiibada dagmada ama dawladda hoose lana xariirto musiibada madax weynaha ku dhawaaqay.

Deeqda kaalmada musiibada lagama goyn karo canshuurta dakhliga, canshuurta qofka iskiis u shaqeysto, ama canshuurta shaqada sida Soshal Sekuriti, Medicare, iyo canshuurta shaqo la'aanta federaalka. Looma baahna in wax laga reebo. Hase ahatee, lacagaha shaqo la'aanta waxaa loo haystaa dakhli sida hoos timaada sharciyada canshuurta.

Khasaarada lama filaanka ee dib looga bixiyo deeqda kaalmada musiibada lagama goyn karo canshuurta dakhliga. Ha ka goynin kharashka ku baxa khasaarada lama filaanka ama kharashka ku baxa caafimaadka ee laga bixiyo deeqda daryeelka musiibada.

Tags: