alert - warning

This page has not been translated into Español. Visit the Español page for resources in that language.

Brograamka Guryaha Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing) Wuxuu Ku Sii Socdaa in uu Xoogeysto.

world globe
Release Date:
enero 6, 2021

SALEM, Ore - Inta qoysaska, bulshada iyo gancsatada ku hawlan yahiin ka soo kabsiga khasaarada dabkii ka kacay bishii Sateembar, ujeedada Guriyeynta Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing), iyadoo guryo ku meel gaar ah siisa dadka ka badbaaday musiibada ka dhacday dagmooyinka Jackson, Lincoln, Linn, iyo Marion, waxay u socotaa horay.

Waxaa jira soddon iyo saddax qoysaska Jackson County, kuwaasoo guryahooda ay si darran u khasaariyeen ama burburiyeen dabka sannadkaan kacay lana siiyay shattiyada guryaha ku meel gaark ah ee laga soo qaato FEMA. Guryahaan waxaa lagu meeleyay jardiinooyinka RV ee Central Point iyo Gold Hill. Goobta Gold Hill, soddon iyo sagaal xubin ayaa ku sugan marxalado kala duwan gelinta iyo saddax qoys ayaa horay loo siiyay shatti.

Marka aan soo qaadno dagmooyinka Marion iyo Linn, waxaa qorshaha ku jira labo mashaariic oo loogu talo galay goobaha kooxda guriyeynta ku meel gaarka ah lana bilaabo horaanta Janaayo. Dagmada Lincoln, FEMA waxay ku hawlan tahay wada xaajood la xariira kireynta hal goob si guryo ku meel gaar ah loo siiyo ku dhawaad 20 qoys oo xaq u yeesha oo ku sugan dagmadaas.

Laga bilaabo Xuska Dhallashada (Christmas Eve), qoysaska ka badbaaday musiibada ku dhacday Jackson County waxay shatti bixin ka bilaabi doonaan goobta kooxda kowaad FEMA ee White City. Goobtaan waxay hayn doontaa 23 guryaha la dhaqaajiyo, dhowr ka mid ahna la dhisay lana waafajiyay Heerka Federaalka Gelitaanka Midaysan (Uniform Federal Accessibility Standard) ee loogu talogalay dadka itaalka darran ama qaba Baahida Gelitaanka iyo Dhaqaaqa (Access and Functional Needs).

Iminka, ku dhawaad 220 qoysaska aqoonta leh waxaa loo ballamiyay in ay afarta dagmo ka qaataan Guryaha Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing). Tirada iminka jirta ee ku saabsan qoysaska xaqa u yeesha hoos ayay u dhacday bacdamaa reero badan oo xaqa u yeeshay kaalmadaan ay iskooda u heleen guryo kale oo ku meel gaar ah ama joogto ah.

Guryaha Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing) waxaa la siiyaa dadka ka badbaaday musiibada ilaa 18 bil laga bilaabo taariikhda lagu dhawaaqay musiibada (Maarso 2022).

###

Waxaa la heli karaa kaalmada ka-kabsiga musiibada iyadoo aan la fiirinin isirka, midabka, diinta, asal qaran, jinsiga, da'da, itaal darrida, aqoonta Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaalaha. Haddii adiga ama qof aad taqaanid la takooray, wac FEMA telefoonka lacag la'aanta FEMA 800-621-3362 (TTY 800-462-7585). Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay la socodsiiyaan FEMA nambarka loo siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in telefoonada FEMA laga soo diri karo nambar aan la aqoonsan karin. Waxaad heli kartaa hawlwadeno ku hadla luqado badan. (Riix 2 si aad u heshid Isbanish).

Dadka ka badbaaday musiibada ay waxyeelada ka soo gaareen dabka duurka Oregon iyo dabaylaha tooska u dhaca waxay kaloo kaalmo ku koobana qofka oo yareysa khasaarada ka heli karaan Ku-Takhasusaha Yareynta Dhibaatada ee FEMA (FEMA Mitigation Specialist) si loo hagaajiyo, dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo. Si aad u heshid macluumaad ku saabsan sida dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo ama loo ogaado halista fattahaadda cusub kuna xigta dab ka kacay meel kuu dhaw, email u dir FEMA-R10-MIT@fema.dhs.gov, kaddibna waxaa kuu soo jawaabi doono Ku-Takhasusaha Yareynta Halista FEMA (FEMA Hazard Mitigation specialist) kana jawaabi doono su'aalaha ay qabaan dadka ka badbaaday. Marka aad dib u dhiseysid, la xariir sarkaalka dhismaha deegaanka iyo maamulaha dhulka fattahaadda si aad u heshid hoggaamin.

Waxaad Gobolka FEMA 10 (FEMA Region 10) kala socotaa Twitter iyo LinkedIn si aad u heshid wararkii ugu dambeyay iyo booqo FEMA.gov si aad u heshid macluumaad badan.

Himilada FEMA waxay tahay in la kaalmeeyo dadka ka hor inta aan lala kulmin musiibada, inta ay socoto, iyo kaddib.

 

Tags: