alert - warning

This page has not been translated into English. Visit the English page for resources in that language.

Ku Soo Noqoshada Guriga Dabka Kaddib? Ceelasha Gaarka (Private Wells), Siistemyada Bullaacadaha (Septic Systems May) wxay Xaq uu Yeelan Karaan Kaalmada FEMA.

world globe
Release Date:
March 12, 2021

Salem, Ore. -- Ku dhawaad lex bil dhacdada kaddib, dad badan oo badbaaday musiibada ayaa iminka bilaabay in ay ku soo noqdaan hantidooda dabka-burburiyay si ay u bilaabaan hawsha dib u dhiska. Inkastoo ceymiska milkiilaha guriga yahay islaha ugu muhiimsan oo lagu bixiyo kharashka hagaajinta kaddib marka lala kulmo musiibada, qaar ka mid ah hagaajinta guriga sida ceelasha gaarka iyo/ama siistemyada bullaacadaha, sida caadaha ah, kuma jiraan kharashka la bixiyo.

Wararka fiican waxay yahiin in kaalmada maaliyadda FEMA ay heli karaan dadka daggan dagmooyinka Clackamas, Douglas, Jackson, Klamath, Lane, Lincoln, Linn iyo Marion kuwaasoo ceelashooda gaarka iyo siistemyadooda bullaacadaha ku burbureen dabka. Reeraha aah haysan ceymis - ama kuwa heshiisyadooda ceymiska aysan bixinin kharashka lagu hagaajiyo ceelashooda iyo/ama siistemyadooda bullaacadaha waa in ay la xariiraan FEMA si loo ogaado haddii ay xaq u yeelan karaan. Hakaan waxaad ka heli doonta waxa la sameeyo:

  • La xariir FEMA: internetka DisasterAssistance.gov; adigoo kala xariira FEMA App; ama adigoo adeegsanaaha telefoonka 800-621-3362 (TTY: 800-462-7585) laga bilaabo 7 a.m. ilaa 10 p.m. PST maalin kasta. Arjiileyaasha waa in ay sugaan in ay soo sheegaan burburka ku dhacay ceelkooda gaarka iyo/ama siistemkooda bullaacadda ee dhasha musiibada. Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay la socodsiiyaan FEMA iyaga oo adeegsada nambarka loo siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in ay dhici karto in telefoonada laga soo diro FEMA laga soo diro nambar aan la aqoonin.

 

  • Kuwa ka dalbaday FEMA balse aan weli laga fattashin guriga, waa in ay ogeysiiyaan baaraha FEMA in ay leeyahiin ceel gaar ah iyo/ama siistemka bullaacadda. Dadka daggan Oregon ee dalbaday iyo ku jira ceymis waa in ay la xariiraan khadka kaalmada FEMA una sheegaan in uu soo gaaray burburka ceelka/bullaacadda si loo dalbo fattashaad. Haddii horay loo fulliyay fattashaad kaddibna aan la soo sheegin ceelka ama siistemka bullaacadda arjiileyaasha waxay FEMA u diri karaan warqad lagu soo qoray taariikhda oo saxiixan, lana soo raaciyay qiimeynta qandaraaslaha, taasoo muujisa in ay racfaan ka qaateen ceelka iyo/ama siistemka bullaacadda.

Maxaa dhaca haddii arjiilaha uu horay u helay kaalmada FEMA xagga ceelkooda gaarka ah/siisteymka bullaacadda, balse loo baahan yahay kaalmo dheeraad ah si loo bixiyo kharashkaan.

  • Arjiileyaasha waa in ay FEMA siiyaan qiimeyn la xaqiijin karo/resiid muujisa in ceelka iyo/ama siistemka bullaacadda la burburay, isku dumay iyo/ama aan la isticmaali karin taasoo toos uga dhallata musiibada. Waa in ay ogaadaan in ay soo raaciyaan warqad lagu soo qoray taariikhda lana saxiixay, iyo qiimeynta qandaraaslaha, taasoo muujisa in ay racfaan ka qaadan doonaan si ay u helaan kaalmo dheeraada xagga ceelka iyo/ama siistemka bullaacadda.

 

  • Haddii qiyaasta la soo gudbiyay/resiidyada aysan soo gelinin macluumaadkaan, FEMA waxay wici doontaa qandaraaslaha si ay u xaqiijiso macluumaadka.

Dadka ka badbaadiay musiibada ee qaba su'aalo ku saabsan arji aan weli laga gaarin go'aan lana xariira kaalmada musiibada waxay la xariiri karaan Khadka Kaalmada oo laga helo 800-621-3362 (TTY: 800-462-7585).

###

Waxaa la heli karaa kaalmada looga kabsado musiibada iyadoo aan la fiirinin isirka, midabka, diinta, asal qaran, jinsiga, da'da, itaal darrida, aqoonta Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaalaha. Haddii adiga ama qof aad taqaanid la takooray, wac telefoonka lacag la'aanta FEMA 800-621-3362 (TTY 800-462-7585). Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay la socodsiiyaan FEMA iyaga oo adeegsada nambarka loo siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in telefoonada FEMA laga soo diri karo nambar aan la aqoonin. Waxaad heli kartaa hawlwadeno ku hadla luqado badan. (Riix 2 si aad u heshid Isbanish.)

Dadka ka badbaaday musiibada ay waxyeelada ka soo gaareen dabka Oregon iyo dabaylaha tooska u dhaca waxay kaloo heli karaan kaalmo ku kooban qofka oo yareysa khasaarada si loo hagaajiyo iyo si dib loo dhiso lana sugo ammaanka iyo xoojinta laga helo Ku-takhasusaha Khasaarada ee FEMA. Si aad u heshid macluumaad ku saabsan sida dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo ama loo ogaado halista fattahaadda cusub ee ku xigta dab ka kaca agagaarkaada, email u dir FEMA-R10-MIT@fema.dhs.gov, Ku-Takhasusaha Yareynta Halista oo ka socda FEMA (FEMA Hazard Mitigation specialist) ayaa ka jawaabi doono su'aalaha dadka ka badbaaday. Marka aad dib u dhiseysid, la xariir sarkaalka dhismaha deegaanka iyo maamulaha dhulka fattahaadda si aad u heshid hoggaamin.

Waxaad Gobolka FEMA 10 (FEMA Region 10) kala socotaa Twitter iyo LinkedIn si aad u heshid wararkii ugu dambeyay iyo booqo FEMA.gov si aad u heshid macluumaad badan.

Himilada FEMA waxay tahay in la kaalmeeyo dadkar inta aan lala kulmin musiibada, inta ay socoto, iyo kaddib.

 

Tags: