SALEM, Ore. - FEMA waxay dhismo ka bilowday goob lagu dhisi doono guryo ku meel gaar ah oo loogu talogalay qoysaska ka badbaaday ee xaqa u yeesha kuna sugan Dagmada Lincoln. Kaddib marka la dhamaystiro, goobta cusub ee ku taal Magaalada Lincoln waxaa la filaa in ay qaado ilaa 21 guryaha ku meel gaarka.
Dagmada Lincoln kaddib, ujeedada Guriyeynta Tooska ee FEMA (FEMA's Direct Housing) waxay ku hawlan tahay in guryo ku meel gaarka ah loo raadiyo kuwa ka badbaaday musiibada ee xaqa u yeesha kuna sugan dagmooyinka Jackson, Lane, Linn iyo Marion. Ilaa iminka, 95 qoys ayaa lagu meeleeyay guryo ku meelgaar ah oo ku yaal goobaha ganacsiga iyo labo goob kale ay dhistay FEMA.
Iminka, 265 ka mid ah qoysaska ka badbaaday ayaa loo ogolaaday in ay qaataan Guryaha Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing) ee ku yaal shanta dagmo. Tirada qoysaska xaqa u yeesha waa isbaddashaa muddo kaddib bacdamaa reero cusub ay xaq u yeeshaan iyo marka reero kale ay iskooda u helaan guryo ku meelgaar ah ma guryo joogto ah.
Ilaa inta ay suurtogal tahay, FEMA waxay ka shaqeysaa in dadka ka badbaaday musiibada loo dhaweeyo bulshadooda, dugsiyadooda iyo meelaha ay ku cibaadeystaan. Guriyeynta Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing) waxaa la siiyaa dadka ka badbaaday musiibada ilaa muddo 18 bil laga bilaabo taariikhda lagu dhawaaqay musiibada (ilaa Maarso 2022).
###
Waxaa la heli karaa kaalmada looga kabsado musiibada iyadoo aan la fiirinin isirka, midabka, diinta, asal qaran, jinsiga, da'da, itaal darrida, aqoonta Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaalaha. Haddii adiga ama qof aad taqaanid la takooray, wac telefoonka lacag la'aanta FEMA 800-621-3362 (TTY 800-462-7585). Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay FEMA la socodsiiyaan nambarka loo siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in telefoonada FEMA laga soo diri karo nambar aan la aqoonin. Waxaad heli kartaa hawlwadeno ku hadla luqado badan. (Riix 2 si aad u heshid Isbanish).
Dadka ka badbaaday musiibada ay waxyeelada ka soo gaareen dabka Oregon iyo dabaylaha tooska u dhaca waxay kaloo heli karaan kaalmo ku kooban qofka oo yareysa khasaarada si loo hagaajiyo iyo si dib loo dhiso lana sugo ammaanka iyo xoojinta laga helo Ku-takhasusaha Khasaarada ee FEMA. Si aad u heshid macluumaad ku saabsan sida dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo ama loo ogaado halista fattahaadda cusub kuna xigta dab ka kacay meel kuu dhaw, email u dir FEMA-R10-MIT@fema.dhs.gov, kaddibna waxaa kuu soo jawaabi doono Ku-Takhasusaha Yareynta Halista FEMA (FEMA Hazard Mitigation specialist) kana jawaabi doono su'aalaha ay qabaan dadka ka badbaaday. Marka aad dib u dhiseysid, la xariir sarkaalka dhismaha deegaanka iyo maamulaha dhulka fattahaadda si aad u heshid hoggaamin.
Waxaad Gobolka FEMA 10 (FEMA Region 10) kala socotaa Twitter iyo LinkedIn si aad u heshid wararkii ugu dambeyay iyo booqo FEMA.gov si aad u heshid macluumaad badan.
Himilada FEMA waxay tahay in la kaalmeeyo dadka, musiibada ka hor, inta ay socoto, iyo kaddib.