alert - warning

This page has not been translated into English. Visit the English page for resources in that language.

Dagmada Lane: FEMA Waxay ku Hawlan Tahay Raadinta Milkiileyaasha Guryaha Kirada Qoysaska Badan (Multi-Family Rental Housing)

world globe
Release Date:
February 3, 2021

 

SALEM, Ore. – Si ay uga jawaabto burburka ka dhashay dabka ka kacay Oregon iyo dabaylaha tooska u dhacay sannadkii la soo dhaafay, FEMA waxay ka dalbaneysaa milkiileyaasha hantidii horay loo isticmaalay sida guryaha kirada qoysaska badan (3 guryaha la heli karo ama ka badan), oo kaddib marka la siiyo kaalmada maaliyadda, dhakhso loo hagaajin karo sida waafaqsan sharciyada federaalka iyo heerarka.

Sida hoos timaado Brograamka Kirada Qoysaska Badan iyo Hagaajinta (Multi-family Lease and Repair Program), waxaa dhici karto in la bixiyo heshiisyo badan oo ku saleysan sicir go’aan si kaalmada guryaha loo siiyo qoysaska ay waxyeelada soo gaartay. Taariikhda ugu dambeyso ee laga rabo in ay ku soo jawaabaan milkiileyaasha hantida waa Duhurnimada, Saacadda Basifigga, Febraayo 6, 2021

Codsigaan lagu dalbanaayo macluumaadka ma aha codsi lagu dalbanaayo kharashka ku baxa hawsha (request for quotes). Jawaabaha laga bixiyo ogeysiiskaan waxaa loo adeegsan doonaa in lagu ogaado hantida la kullanta sharidaha MLR, la adeegsado hababka lagu fulliyo waqtiga ku habboon, ugu kharashka yar si dadka ka badbaaday musiibada ee xaqa u yeesha toos loo siiyo kaalmo.

Dhamaan jawaabaha waa in la soo qoro kaddibna email loogu diro DR-4562-OR-MLRP@fema.dhs.gov lana gaarsiiyo taariikhda ugu dambeyso ee ah Duhurnimada Saacadda Basifigga, Febraayo 6, 2021.

Si aad u heshid macluumaad dhamaystiran oo ku saabsan Codsiga Macluumaadka MLR (MLR Request for Information), booqo https://go.usa.gov/xAts5.

###

Waxaa la heli karaa kaalmada looga kabsado musiibada iyadoo aan la fiirinin isirka, midabka, diinta, asal qaran, jinsiga, da'da, itaal darrida, aqoonta Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaalaha. Haddii adiga ama qof aad taqaanid la takooray, wac FEMA telefoonka lacag la'aanta FEMA 800-621-3362 (TTY 800-462-7585). Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay FEMA la socodsiiyaan nambarka la siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in telefoonada FEMA laga soo diri karo nambar aan la aqoonsan karin. Waxaad heli kartaa hawlwadeno ku hadla luqado badan. (Riix 2 si aad u heshid Isbanish).

Dadka ka badbaaday musiibada ay waxyeelada ka soo gaareen dabka Oregon iyo dabaylaha tooska u dhaca waxay kaloo kaalmo ku koobana qofka oo yareysa khasaarada, ka heli karaan Ku-Takhasusaha Yareynta Dhibaatada ee FEMA (FEMA Mitigation Specialist) si loo hagaajiyo, dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo. Si aad u heshid macluumaad ku saabsan sida dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo ama loo ogaado halista fattahaadda cusub ee ku xigta dabka ka kacay agagaarkaada, email u dir FEMA-R10-MIT@fema.dhs.gov, waxaa kuu soo jawaabi doono Ku-Takhasusaha Yareynta Halista oo ka socda FEMA (FEMA Hazard Mitigation specialist) oo ka jawaaba su'aalaha ay qabaan dadka ka badbaaday.

Waxaad Gobolka FEMA 10 (FEMA Region 10) kala socotaa Twitter iyo LinkedIn si aad u heshid wararkii ugu dambeyay iyo booqo FEMA.gov si aad u heshid macluumaad badan.

Himilada FEMA waxay tahay in la kaalmeeyo dadka ka hor inta aan lala kulmin musiibada, inta ay socoto, iyo kaddib.

 

Tags: