alert - warning

This page has not been translated into English. Visit the English page for resources in that language.

FEMA Waxay Bilowday Dhismaha Goobta Guriyeynta Ku Meel Gaarka ee Dadka ka Badbaaday Musiibada Dabka Marion (Marion Wildfire Survivors)

world globe
Release Date:
January 6, 2021

SALEM, Ore. – FEMA waxay bilowday dhismaha goobta meesha wakaaladda ka bixin doonto guryaha ku meel gaarka ah ee loogu talogalay qoysaska dagmooyinka Linn iyo Marion ee ka badbaaday musiibada ee xaqa u yeesha. Kaddib marka la dhamaystiro, goobta cusub ee ku taal Mill City waxaa laga filaa in ay haayso 16 guryaha ku meel gaarka ah.

Dagmooyinka Linn iyo Marion kaddib, Guriyeynta Tooska ee Fema (FEMA's Direct Housing) waxay ku hawlan tahay in ay guryaha ku meel gaarka ee la dhaqaajinta la siiyo dadkii ka badbaaday musiibada ka dhacday dagmooyinka Jackson iyo Lincoln. Ilaa iminka, 47 qoysaska Dagmada Jackson ayaa lagu meeleyay guryaha ku meel gaarka ah oo ku sugan jardiinooyinka tijaarada hal ka mid ah goobaha kooxda - la mid hadda laga wado dhismaha dagmooyinka Mill City Linn iyo Marion.

Iminka, waxaa ogolaasho la siiyay 250 qoys oo ka badbaaday musiibada si loo siiyo Guriyeynta Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing) ee ka socda afarta dagmo. Waxaa hoos u dhacay tirada qoysaska xaqa u yeesha bacdamaa reero badan ay iskooda u heleen guryo kale oo ku meel gaar ah ama guryo joogto ah.

Ilaa inta ay suurtogal tahay, FEMA waxay ka shaqeysaa in ay dadka ka badbaaday musiibada loo dhaweeyo bulshadahooda, dugsiyadooda iyo meelaha ay ku cibaadeystaan. Guriyeynta Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing) waxaa la siiyaa dadka ka badbaaday musiibada ilaa muddo 18 bil laga bilaabo taariikhda lagu dhawaaqay musiibada (ilaa Maarso 2022).

###

Waxaa la heli karaa kaalmada ka-kabsiga musiibada iyadoo aan la fiirinin isirka, midabka, diinta, asal qaran, jinsiga, da'da, itaal darrida, aqoonta Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaalaha. Haddii adiga ama qof aad taqaanid la takooro, wac FEMA telefoonka lacag la'aanta 800-621-3362 (TTY 800-462-7585). Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay la socodsiiyaan FEMA nambarka loo siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in telefoonada FEMA laga soo diri karo nambar aan la aqoonsan karin. Waxaad heli kartaa hawlwadeno ku hadla luqado badan. (Riix 2 si aad u heshid Isbanish).

Dadka ka badbaaday musiibada ay waxyeelada ka soo gaareen dabkii ka kacay Oregon iyo dabaylaha tooska u dhaca waxay kaloo kaalmo ku kooban qofka oo yareysa khasaarada ka heli karaan Ku-Takhasusaha Yareynta Dhibaatada ee FEMA (FEMA Mitigation Specialist) si loo hagaajiyo, dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo. Si aad u heshid macluumaad ku saabsan sida dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo ama loo ogaado halista fattahaadda cusub kuna xigta dab ka kacay meel kuu dhaw, email u dir FEMA-R10-MIT@fema.dhs.gov, kaddibna waxaa kuu soo jawaabi doono Ku-Takhasusaha Yareynta Halista FEMA (FEMA Hazard Mitigation specialist) kana jawaabi doono su'aalaha ay qabaan dadka ka badbaaday. Marka aad dib u dhiseysid, la xariir sarkaalka dhismaha deegaanka iyo maamulaha dhulka fattahaadda si aad u heshid hoggaamin.

Waxaad Gobolka FEMA 10 (FEMA Region 10) kala socotaa Twitter iyo LinkedIn si aad u heshid wararkii ugu dambeyay iyo booqo fema.gov si aad u heshid macluumaad badan.

Himilada FEMA waxay tahay in la kaalmeeyo dadka ka hor inta aan lala kulmin musiibada, inta ay socoto, iyo kaddib.

 

Tags: