In ka badan $1M ayaa Aalaaba ku jirta Gacanta Ka-badbaadayaasha Duufaan ee degan Ohio

Release Date Release Number
DR-4777-OH NR-04
Release Date:
May 10, 2024

COLUMBUS - Kaliya hal todobaad tani iyo markii ku dhawaaqida musiibo ee federaalka ee quseya duufaanada 14 Maarso, badbaadiyaasha Ohio waxey heleen wax ka badan $1miliyan ee ah gargaarka musiibo ee FEMA.

Ku dhawaad 100 codsadayaal dhammaan 11 gobol ee loo qoondeeyey ayaa haddeerta haysta kharash-gelin FEMA ee caawin baahiyo daran ah, lacag ka bixinta meel ay ku meel gaar ugu noolaadaan, dayactirada guriga iyo baahiyaha kale aaney daboolin caymis. Kharash-gelinta waa deeqo aaney u baahneyn in dib loo bixiyo.

"Barnaamijka gargaarka shakhsi ee FEMA waxaa loo qoondeeyey in lagu bixiyo gargaar aad ugu baahanyihiin dadka kadib musiibo ayna ka caawiso iney dib u yagleelaan soo kabashadooda sida ugu dhakhsaha badan ee macquulka ah," waxaa yiri Isku-duwaha FEMA ee federaalka Toney Raines. "Tallaabadan keliya waa bilawga ka go'anaanshaha FEMA ay ku xaqiijiso in badbaadayaasha Ohio ay qabaan kheyraadyada ay u baahanyihiin si ay u soo kabtaan si minco leh."

Haddii aad Caawin u Baahantahay: Codso Gargaarka FEMA

Aad onleenka DisasterAssistance.gov, isticmaal abbka-moobeelka FEMA wac 800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas.

Xusuusnow: Keliya waxyeelo iyo baahiyo la xiriira duufanadii 14 Maarso ayaa u qalma.

Kadib Markaad Codsato: Dhex-maquurka Nidaamka

Maanka ku haay dhowr tallooyin:

  • Haddii aadan wali sameyn, xaree sheegashadaas caymiska. Codsadayaasha caymiska ka qaba waxyeelo musiibo ee ku timaada gurigooda waa iney FEMA siiyaan dukumintiyo dejin ama faa'iido ee caymiska ah kahor intaan loo tixgelin gargaar federaal.
  • FEMA waxey u baahnaan kartaa iney sameyso kormeer gurigaaga waxyeeloowey ah. Xaqiiji inaad ka jawaabtid taleefonkaaga si aad u heshid jadwaleynta kormeerkaas. Waxaad wax badan kaga baran kartaa nidaamka kormeerka ee FEMA Waxa la Fisho: xaashida xaqiiqda ee Guriyeyn Kormeero.
  • Si taxadir leh u akhri wixii waraaqo FEMA ah ee aad heshid. Waraaquhu waxey keydin karaan macluumaad dheeri ah ee FEMA kaaga baahan karto iyo wixii gargaar aad u qalmi karto iyo sida aytahay in loo adeegsado. Si aad si degdeg ah ugu heshid wixii cusub iyo ogeysiisyo, abuuro koonto onleen ah DisasterAssistance.gov kadib markaad codsatid gargaar FEMA ah.

Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay