alert - warning

This page has not been translated into Français. Visit the Français page for resources in that language.

Dabka Oregon: Lacagaha Federalka, Kaalmada Wada Shaqeynta Gobolka waxay kaalmeyaan Bulshada ay Waxyeelada Soo Gaartay ee ku Socda in ay Ka Soo Kabsadaan

world globe
alert - warning

Sorry, there were no results based on your filter selections.
Please reset the filter or change your selections and try again.

Release Date:
mars 5, 2021

Salem, Ore. Xafiiska Maamulka Degdegga Oregon (Oregon Office of Emergency Management) iyo FEMA waxay sii wadaan ballanka ay qaadeen in ay kaalmeyaan dadka ka badbaaday musiibada Oregon, ganacsatada iyo bulshada si ay u dib u dhisaan kana soo kabsadaan dabkii burburka geystay sannadkii la soo dhaafay. Ilaa iminka, ku dhawaad $262 malyan oo ah kaalmada federaalka ayaa gashay reeraha iyo bulshada.

Doolarka Federaalka Wuxuu Kaalmeyaa Kabsiga Bulshada

Laga bilaabo Maarso 2, FEMA waxay ogolaatay in ka badan $34.8 malyan oo ah kaalmada la siiyo milkiileyaasha iyo kiresteyaasha ay waxyeelada ka soo gaartay dabka Oregon. Doolaraadkaan federaalka waxay taageero siiyaan dadka ka badbaaday musiibada ee ku sugan sideed dagmo oo loo soo ogolaaday Kaalmada Gaarka FEMA (FEMA Individual Assistance): Clackamas, Douglas, Jackson, Klamath, Lane, Lincoln, Linn, iyo Marion.

Maamulka Ganacsatada Yaryar ee Mareykanka (U.S. Small Business Administration) waxay bixisay in ka badan $59 malyan oo ah deynta musiibada korsaarka yar oo la siiyay 542 ganacsato, milkiileyaasha guryaha iyo kireesteyaasha.

3,091 oo ka mid ah dadka daggan Oregon ayaa loo ogolaaday deeqda kaalmada guriyeynta, ku dhawaad $27.9 malyan marka leysku darro. 538 mikiileyaal guri oo ka tirsan tiradaas ayaa helay deeqda ugu badan kaalmada guriyeynta ($35,500).

Intaas kaddib, in ka badan $6.9 malyan oo lagu kaalmeysto baahi kale ayaa la ogolaaday si loo kaalmeeyo milkiileyaasha hantida ay soo gaartay khasaarada gaadiidka, kharashka duugta iyo kharash kale oo culus lana xariira musiibada uusan bixinin ceymiska ama laga helin ilo kale.

Intaas kaddib, Ujeedada Guriyeynta Ku Meelgaarka Tooska ee FEMA (FEM's Direct Temporary Housing Mission) waxay tahay in guryo ku meel gaar ah la siiyo dadka ka badbaaday musiibada ee xaqa u yeesha sida bulshada  Dagmooyinka Jackson, Lane, Lincoln, Linn iyo Marion.

Iminka, guryahaan ku meelgaarka ah, ha ahadaan RVyada ama Guryaha Lagu Sameeyo Warshadaha (MHUs) waxaa lagu meeleeyay dhul la kireyay oo ku yaal dhowr ka mid ah goobaha tijaarada Dagmada Jackson.  Sidoo kale, ciidanka Injeneerada Mareyanka (U.S. Army Corps of Engineers) waxay ku hawlan yahiin dhismaha goobaha FEMA ee Dagmooyinka Jackson, Lincoln, Marion iyo Linn.

Ilaa iminka, 265 qoys oo ka badbaaday musiibada kana tirsan shanta dagmo ee xaqa u yeeshay ayaa loo ogoladay in ay qaataan Guryaha Ku Meel Gaarka Tooska ee FEMA (FEMA Direct Temporary Housing) iyo in ka badan 100 dadka ka badbaaday musiibada iyo qoysaskooda ayaa iminka la siiyay shattiyada guryaha ay sida ku meelgaarka ah FEMA u bixisay.

Brograamka Kaalamada Dadweynta FEMA (FEMA’s Public Assistance Program), kaasoo kaalmeeyo dawladaha gobolka, deegaanka, qabiilka iyo noocyo ka mid ah ururada aan fa'iidada raadinin ee gaarka loo leeyahay in ay ka jawaabaan kana soo kabsadaan musiibooyinka waaweyn ama degdegyada waxay qaadeen in ka badan $159 malyan xagga hagaajinta hoos timaado brograamka PA. Maalgelintaan waxay bixisaa kharashka ku baxa dhaqaajinta qashinka, hababka badbaadinta degdegga ee badbaadiyo nolosha, iyo hagaajinta dhismaha dadweynaha.

Iskuduwidda Badbaadinta ka Dhexeyso Wakaaladaha (Interagency Recovery Coordination)

Qorshaha Ka Soo Kabsiga Musiibada Gobolka Oregon (State of Oregon’s Disaster Recovery Plan) wuxuu tilmaamay todobo ka mid ah Hawlaha Taageerada Ka Soo Kabsiga (Recovery Support Functions) (RSF) si leysugu duwo meelaha laga helo kaalmada, mid kastana ay hoggaamiso wakaalad ka tirsan gobolka la magacaabay, taageerana ka helo iskaashato badan oo ka soo jeeda gobolka iyo federaalka. Maamulka Degdegga Oregon (Oregon Emergency Management) wuxuu hoggaamiyay Kooxdaan Ka Soo Kabsiga Istraatijiyada Mideysan (Integrated Strategic Recovery Team) ee wakaaladaha gobolka iyo federaalka, kuwa taageera ka soo kabsiga dabka ka kaca deegaanka.

In ka badan 24 gobol iyo 10 iskaashatada federaalka ayaa ku midoobay dadaal ay ku kaalmeyaan dawladaha deegaanka ee ku sugan xaaladda ka soo kabsiga iyo qorsheynta si ay u adeegsadaan ilaha gobolka, federaalka iyo kuwa bixiya deeqda si loo maalgeliyo qorsheynta dib u dhiska bulshada iyo mashaariicda ka soo kabsiga musiibada. Shaqaalaha Qorsheynta Bulshada iyo Dhismaha Awoodda waxay mideyeen dagmooinka iyo bulshada si ay u bixiyaan kaalmo ku beegan iyaga.

Intaas kaddib, bulshada deeqda bixisa iyo kuwa aan raadinin fa'iidada waa qeyb ka tirsan habka dhismaha bulshada, waxay haystaan ilo iyo kaalmada farsamada ay ku taageeraan mashaariicda ka soo kabsiga deegaanka iyo kaalmada laga geysto dhismaha awoodda. Xariir ayaa lala samayay in ka badan 10 mu'asasaad, waxaa la aqoonsaday kala hor marinta kabsiga muhiimka ah iyo fursadaha maalgelinta, iyo isku xernaanta maalgeliyeyaasha iyo kuwa u baahan ilaha.

Ka Soo Kabsiga Muhiimka ah ee Oregon (Oregon Recovery Highlights)

  • FEMA waxay dhamaystirtay fattashaadda burburka 6,993 guri.
  • Brograamka Adeegyada Sharciga Musiibada (Disaster Legal Services Program) waxaa laga dhigay mid la heli karo si looga jawaabo su'aalaha sharciga ee laga soo qaatay dadka ka badbaaday dabka. Dadkii ka badbaaday musiibada waxay weli ka fa'iideysan karaan adeegaan internetka oregondisasterlegalservices.org, ama wac 800-452-7636 ama 503-684-3763, Isniin ilaa Jimco, 8 a.m. - 5 p.m.
  • Ciidanka Maamulka Wasakhda Oregon (Oregon Debris Management Task Force) waxay sii waddaan nadiifinta dambasta dabka aan kharash laguu soo dallicin iyo qashinka dhamaan guryaha iyo ganacsatada sideed dagmo ay saamaysay dabkii ka kacay Sateembar, kana mid ah beeraha guryaha lala guuro, guryaha labaad, ganacsatada, iyo dhismooyin kale. 
  • Gobolka Oregon wuxuu deeq ka helay dawladda federaalka, in ka badan $6.3 malyan oo lagu bixiyo adeegyada Maamulka Kiiska Musiibada (Disaster Case Management) lana siiyo muwaadiniinta Oregon uu dabka saameyay. Deeqdaan waxay xoojisaa gobolka in uu kiciyo Brograamka Maamulka Kiiska Musiibada (Disaster Case Management Program), taasoo bixisa maalgelin iyo kaalmada farsamada si loo hubiyo habka bdlshada oo idil in la kaalmeeyo ama dadka ka badbaaday musiibada lagu xero adeegyada deegaanka.
  • Iyadoo iskuduwid sokke la samayso Ku Xad Gudubka Maadada (Substance Abuse) iyo Maamulka Caafimaadka Madaxa (Mental Health Administration), FEMA waxay bixisay in ka badan $3.8 malan iyadoo kaashaneysa Adeegyada Degdegga La-Tallinta Shiddada (Crisis Counselling Immediate Services) iyo Brograamyada Adeegyada Caadiga (Regular Services Programs) si loo kaalmeeyo dadka iyo bulshada ka soo kabsata saamaynta madaxa ay musiibooyinka ku leeyahiin iyagoo kaashada xariirka ku saleysan bulshada iyo adeegyada waxbarashada. Khadka Telefoonka Kaalmada Ammaanka+Xoogga (Safe+Strong) waxaa heli kara caruurta iyo qaangaarka labadaba ee ka hortagga dhibka, murugada ama calaamadaha kale ee la xariira niyad jabka musiibada. Bogga internetka waxaa laga helo ilao lacag la'aan iyo qarsoodi ah oo lagu taageero dadka ka badbaaday musiibooyinka ee ku sugan geediga ka soo kabsiga. Si aad u heshid kaalmo, wac 800-923-4357 ama booqo https://www.safestrongoregon.org/wildfire.  
  • Dhamaan fariimaha musiibada FEMA waxaa lagu bixiyaa todobo luqad oo lagu tilmaamay in ay ka jiraan Oregon: Isbanish, Shiino, Jabaniis, Korean, Fietnamees, Soomaali, iyo Ruush, oo dheeraad ku ah Ingiriisi iyo Luqadda Calaamadda Mareykanka (American Sign Language). Shirarka dadweynaha waxaa diyaar ku ah dad ku hadla labo luqad. 
  • Nambarka kaalmada telefoonka lacag la'aanta 800-621-3362 waxaa kaloo taageera ku-takhasuseyaal ku hadla todobadaas luqad iyo luqado kale oo dheeraad ah, iyo adeegyada tarjamada tooska waxaa heli kara dhamaan arjiileyaasha soo waca FEMA.

###

Waxaa la heli karaa kaalmada looga kabsado musiibada iyadoo aan la fiirinin isirka, midabka, diinta, asal qaran, jinsiga, da'da, itaal darrida, aqoonta Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaalaha. Haddii adiga ama qof aad taqaanid la takooray, wac telefoonka lacag la'aanta FEMA 800-621-3362 (TTY 800-462-7585). Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay FEMA la socodsiiyaan nambarka loo siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in telefoonada FEMA laga soo diri karo nambar aan la aqoonin. Waxaad heli kartaa hawlwadeno ku hadla luqado badan. (Riix 2 si aad u heshid Isbanish).

Dadka ka badbaaday musiibada ay waxyeelada ka soo gaareen dabka Oregon iyo dabaylaha tooska u dhaca waxay kaloo heli karaan kaalmo ku kooban qofka oo yareysa khasaarada si loo hagaajiyo iyo si dib loo dhiso lana sugo ammaanka iyo xoojinta laga helo Ku-takhasusaha Khasaarada ee FEMA. Si aad u heshid macluumaad ku saabsan sida dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo ama loo ogaado halista fattahaadda cusub kuna xigta dab ka kacay meel kuu dhaw, email u dir FEMA-R10-MIT@fema.dhs.gov, kaddibna waxaa kuu soo jawaabi doono Ku-Takhasusaha Yareynta Halista FEMA (FEMA Hazard Mitigation specialist) kana jawaabi doono su'aalaha ay qabaan dadka ka badbaaday. Marka aad dib u dhiseysid, la xariir sarkaalka dhismaha deegaanka iyo maamulaha dhulka fattahaadda si aad u heshid hoggaamin.

Waxaad Gobolka FEMA 10 (FEMA Region 10) kala socotaa Twitter iyo LinkedIn si aad u heshid wararkii ugu dambeyay iyo booqo FEMA.gov si aad u heshid macluumaad badan.

Himilada FEMA waxay tahay in la kaalmeeyo dadka ka hor inta aan lala kulmin musiibada, inta ay socoto, iyo kaddib.

 

Tags: