COLUMBUS - Xarun Kasoo-kabasho Musiibo oo cusub ayaa hadda laga furay gobolada Delware iyo Logan si looga caawiyo dadka degan iney gogol xaaraan soo kabashadooda kadib duufanadii 14 Maarso.
Takhasusyahno ka socda FEMA iyo Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka ayaa joogi doona xarumaha si ay uga caawiyaan badbaadayaasha iney codsadaan gargaar musiibo ee federaal, soo geliyaan dukumintiyo, wax ka bartaan qaabab uga dhigaan guriyahooda kuwo u adkeysta musiibo, oona su'aalahooda si waji-ka-waji ah looga jawaabo.
Xarunta Gobolka Delware waxey si ku-meel-gaar ah uga furmi doontaa goobta, maalmaha iyo saacadaha soo socoda:
The Journey Fellowship
70 N Walnut St.
Galena, OH 43021
Saacadaha: Tal. May 28 — Sab. Juun 8, 7:30 am — 6:30 pm., Xaruntan waxey xirmi doontaa Sabti, Juun 8 xiliga 6:30 pm.
Xarunta Gobolka Logan waxey ka furmi doontaa goobta, maalmaha iyo saacadaha soo socoda:
Indian Lake EMS District Building
280 N.Oak St.
Lakeview, OH 43331
Saacadaha: 7:30 am - 6:30 p.m Isniin — Sabti, Axad Xiran.
Si aad u heshid Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ee kuugu dhow, booqo FEMA.gov/DRC. Badbaadayaasha waxey gargaar u booqan karaan xarun kasta.
Gargaar luuqado aan ka ahayn English, ay ku jirto luuqada dhagoolaha ee Mareykanka, iyo agabyada la fasirey ayaa ku diyaarsan xarumahan. Goobaha Kasoo-kabashada Musiibo ayaa loo xushey marin u helidooda, iyadoo u jeedku yahay in la gaaro inta ugu badan dad ee macquul ah. Goobo baarkino oo marin loo helo ayaa ku diyaarsan dhammaan xarumaha.
Badbaadayaasha uma baahna iney booqdaan Xarun Kasoo-kabasho Musiibo si ay u codsadaan ama u helaan gargaar FEMA ah. Si aad u codsatid adigoon booqan xarun, onleenka aad DisasterAssistance.gov, lasoo dag abb-ka mobeelka FEMA ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621-3362- 3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.
Hadii aad qabtid su'aalo ku saabsan codsigaaga, waxaad la xiriiri kartaa Leenka-caawinta FEMA. Booqashada xarun ka-soo-kabasho musiibo waxaa dheeri ku ah, waxaad dukumintiyadaada u gudbin kartaa FEMA si dib loogu eego qaab boosto ama fakis ah ama adigoo soo gelinaya koontadaada DisasterAssistance.gov, Si aad u degsato koonto onleen ee FEMA ah, booqo DisasterAssistance.gov, ku dhufo "Codso Onleen" oo raac jihooyinka.
Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777.