WILLISTON, Vt. – Kireystayaasha ku sugan gobollada Caledonia, Chittenden, Lamoille, Orange, Rutland, Washington, Windham iyo Windsor kuwaas oo guriyahooda iyo hantidooda ay waxyeeleysay duufanadii, daadadkii, cara-guurkii iyo dhooqadii darneyd ee July ayaa codsan kara gargaarka musiibada FEMA.
Gargaarka Shakhsi ee FEMA ayaa u furan kireystayaasha, ay ku jiraan ardeyda, iyo sidookale dadka guriyaha leh. Deeqaha Federaalka waxey bixin karaan guriyeyn kumeel gaar ah. Deeqda kirada ee hore waa muddo hal ama laba bil ah waxaana dib loogu eegi karaa gargaar dheeri ah.
Kireystayaasha ayaa sidookale u qalmi kara deeq hoos timaada barnaamijka Gargaarka Baahiyaha Kale ee FEMA ee quseeya qasaaraha hanti shakhsiyeed oo muhiim ah oo aan la cayminin iyo qarashaadka kale ee musiibo-la-xiriira. Tani waxaa kamid ahaan kara:
- Bedellid ama dayactir hanti shakhsiyeed oo lagama maarmaan ah, sida alaabta guriga, qalabka guriga lagu isticmaalo, dhar, buugaag-qoraal, ama agabyada iskuulka.
- Bedellid ama dayactir agabka iyo qalabka kale ee shaqo-la-xiriira ee u baahan dadka iyaga-is-shaqaaleysiiyey.
- Haddii gaarigaaga aasaasiga ah ey waxyeeleysay duufaanada oo uuna sii shaqeyneynin (gaariguna uu u hogaansamo diiwaanka iyo shuruudaha caymiska gobolka) FEMA ayaa caawin karaysa. Ma ahan in dhammaan waxyeellada la daboolo, sidaa darteed ka ogoow FEMA si aad u aragto haddii gaarigaagu u qalmo.
- Kharashaadka caafimaad, ilko, daryeel caruur, guuris iyo keydin ee aan la cayminin ama jeebka-uun laga dabaro.
Waxaad codsan kartaa FEMA wixii la xiriira gargaar federaal ah adigoo booqanaya Xarun Kasoo-kabasho Musiibo oo maxalli ah.
Uma baahnid inaad booqato xarun kasoo-kabasho si aad u codsatid gargaar FEMA ah. Si aad u codsatid adigoon xarun booqan, aad onleenka DisasterAssistance.gov ka wac Leenka-Caawinta FEMA 800-621-3362 laga bilaabo 7 subaxnimo ilaa 11 fiidnimo Wakhtiga Bari todobo maalmood asbuucii, ama isticmaal apka mobeelka FEMA. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas. Gargaar ayaa diyaar ku ah inta badan luuqadaha.
Haddii aad ku nooshahay gobol aan la cayimin aadna leedahay waxyeelada ka wac FEMA Leenka-Caawinta 1-800-621-3362 si aad u codsatid haddii gobolkaaga la cayimana, codsigaaga ayaa bilaabmi doona in laga shaqeeyo.
Xarumaha kasoo-kabashada ayaa isticmaali kara dadka naafanimada leh iyo baahiyaha shaqo waxaana ku qalabeysan qalabka tiknoolajiyada wax caawisa. Kuwa badbaadey ee leh baahi qaabilitaan oo macquul ah ama turjume luuqada dhagoolaha waxey wici karaan 833-285-7448 (riix 2 wixii Isbaanish ah).
Wakiilo ka socda Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA) ayaa sidookale xarunta joogi doona si ay u sharaxaan sida loo codsado deymo musiibo oo ribacooda-hooseeya ee SBA oo loogu talagalay dadka guriyaha leh, kireystayaasha, ganacsiyada, iyo ururada faaiido doonka ahayn ee gaarka loo leeyahay, waxeyna bixinayaan macaluumaad ku saabsan dib-u-dhiska si guriyaha looga dhigo kuwo musiibo u adkeysta.
Kireystayaasha ayaa sidookale ka deysan kara SBA ilaa $40,000 si ay u bedelaan hanti shakhsiyeed ee waxyeelowday ama buburtey sida dhar, alaabta guriga, qalabka guriga ama gawaari. Waxaa lagu taliyaa iney codsadaan gargaarka FEMA kahor intaaney codsan SBA, laakiin shardi ma ahan.
Macaluumaadkii ugu dambeeyey ka booqo fema.gov/disaster/4720. Kala soco Twitter-ka koontada 1 Gobolka ee FEMA twitter.com/FEMARegion1 ama bogga Facebook-ga facebook.com/FEMA.
Wixii u dambeeyey ee jawaab-celinta iyo kasoo-kabashada Vermont, kala soco Hay'adda Maareynta Arrimaha Degdega ah ee Vermont twitter.com/vemvt eeTwitter iyo Facebook facebook.com/vermontemergencymanagement.
FEMA waxaa ka go'an inay xaqiijiso gargaar musiibo ay weheliso sinnaan, takoor la'aan si ku salaaysan midab, kalar, dhalasho, jinsi, da', naafanimo, garashada Ingiriiska, ama xaalad dhaqaale. Ka badbaade kasta ee musiibada ama xubin bulshada ah ayaa lasoo xiriiri karta Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA haddii ay dareemaan iney yihiin dhibane takoor. Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA waxaa lagala soo xiriiri karaa si bilaash ah 833-285-7448. Waxaa diyaar ah hawlwadeeno dhowr luuqadood ku hadla.