Vermont Duufanadii, Daadadkii, Cara-guurkii Iyo Dhooqadii Darneyd
Mudada Dhacdada: Jul 7, 2023 - Jul 17, 2023
Taariikhda Shaacinta: Jul 14, 2023
Lifaaqyada Degdega ah
- Kheyraadka dib-u-kabashada: Gobol & Maxalli | Qaran
- Kala soco: Baraha Bulshada | Apka moobeelka & Qoraal
- la-talin 24/7 ah: Leenka-Caawinta Dhibta Musiibada
Wax badan oo ku saabsan Musiibadan
Caawin loogu talalgalay Shakhsiyaadka iyo Qoysaska Musiibo Kadib
Haddii aad leedahay caymis, waa inaad dood la furataa shirkadaada caymiska si dhakhso leh. Gargaarka FEMA ma caawin karo khasaaro aalaaba dabooshay caymis.
Codso Gargaar Musiibo
Qaabka ugu dhakhsaha badan ee lagu codsado waa in loo maraa DisasterAssistance.gov. Waxaad sidookale ka codsan kartaa adigoo u mara apka mobeelka FEMA ama adigoo ka wacaya Leenka-Caawinta FEMA 800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeeg isku-duwid muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale oo isgaarsiin ah, fadlan sii FEMA lambarka gaarka ah ee loo qoondeeyey adeegaas.
Waxbadan uga baro wax ku saabsan nidaamka codsiga
Hel Caawin Degdeg ah
Hel caawin baahiyaha aan FEMA loo oggolayn iney bixiso. Kala baar madaxda maamulkaaga maxalliga ah ee arrimaha degedega ah, hay'adaha is-xilqaamay ama adigoo wacaya maxalligaaga 2-1-1. Leenka-Caawinta FEMA(800-621-3362) ayaa sidookale bixin kara ugudbino dheeri ah. Haddii aad isticmaashid adeeg isku-duwid muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale oo isgaarsiin ah, fadlan sii FEMA lambarka gaarka ah ee loo qoondeeyey adeegaas.
Waxaa la ii Sheegay Inaan Waco Maamulka Ganacsiga Yaryar ee Mareykanka
FEMA looma oggola iney bixiso gargaar musiibo ee khasaaraha qaar oo daboosha deymaha musiibo ee Maamulka Ganacsiga Yaryar ee Mareykanka (SBA). Deymaha musiibo ee ribaca yar oo ay SBA siiso shakhsiyaadka iyo qoysaska si ay uga caawiso khasaaraha musiibada. FEMA waxey la shaqeysaa SBA si loo go'aamiyo haddii aad u qalanto Gargaar Hanti Shakhsiyeed, Gargaar Gaadiid, ama Siyaasad Koox ee Caymis Daad.
FEMA si otomaatik ah ayay kuugu gudbineysaa SBA si laguugu qadariyo deyn musiibo haddii aad kasoo baxdid heerarka dakhli ee SBA. FEMA waxey isticmaashaa wadarta dakhli sannadlaha ah ee qoyskaaga iyo tirada ku tiirsan si ay u go'aamiso haddii laguu gudbinayo SBA.
Haddii laguu gudbiyey SBA, FEMA waxey kuugula soo xiriiri doontaa nidaam wicitaan oo otomaatik ah si ay kuugu sharaxdo sida looo codsado deyn musiibo. Waa inaad dhamestirtaa oo aad soo celisaa codsi deyn si laguugu qadariyo deyn SBA ah ama noocyo qaar ee gargaarka FEMA ah. Qasab ma ahan inaad aqabashid casuumaad deyn oo SBA ah. Hase yeeshee, haddii laguu ansixiyey deyn SBA ah, aadana aqbalin, dib laguuguma soo gudbin doono FEMA wax la xiriira gargaar hanti shakhsiyeed ama gaadiid.
Wixii macaluumaad dheeri ah oo la xiriira barnaamijka deynta SBA, fadlan ka wac SBA 800-659-2955 (TTY: 800-877-8339). Macaluumaadka SBA ayaa sidookale diyaar ku ah www.SBA.gov/disaster ama iimeyl ugu dir disastercustomerservice@sba.gov.
Wax badan ka baro deymaha SBA
Waxaan Codsaday Gargaar. Maxaa Xiga?
Haddii aad Caymis Leedahay
Fadlan la xiriir shirkadaada caymiska sida ugu dhakhsiyaha badan si aad u diyaarisid sheegasho. FEMA waxey bixin kartaa lacag kadib uun markaad heshid heshiiska caymiskaaga. Haddii caymiskaagu uunan daboolin dhammaan dayactirka gurigaaga ama kharashaadka dib-u-dhis, FEMA ayaa caawin karaysa.
FEMA ma bixin karayso lacag kharashaad ay dabooshay caymis ama faaiidooyin labalaab ah ee il kale bixiso. Markaad hesho heshiis ama diidmo caymiskaaga ah, fadlan sida ugu dhakhsiyaha badan nuqul ugu soo dir FEMA.
Haddii heshiiska caymiskaaga uu dib dhaco in ka badan 30 maalmood laga bilaabo xiliga aad buuxisey sheegashadaada, ka wac Leenka-Caawinta FEMA 800-621-3362.
Waxbadan ka baro wax ku saabsan tallaabooyinka codsashada kadib
Haddii Aadan Caymis Lahayn
FEMA ayaa xaqiijin doonta khasaarooyinkaaga ay musiibadu sababtay. Hay'adda ayaa u jadwaleyn doonto wakhti ay ku baarto gurigaaga haddii aad soo gudbisey waxyeelo gurigaaga ah ama hanti shakhsiyeed. Ama FEMA yaa ku waydiin doonta inaad soo dirtid dukumintiyo si loo xaqiijiyo kharashaadkaaga.
Waxaad warqad ogeysiis ka heli doontaa FEMA boosto ahaan ama jawaab qadka ah oo sharaxeysa tallaabooyinkaaga xiga. Haddii lagama maarmaan noqoto si ku salaysan khasaaraha aad soo gudbisey, baare ayaa kaala soo xiriiri doono taleefon si loo jadwaleeyo baaritaan. Haddii aad ka maqnaatid wicitaanka, waxey kuu reebi doonaan fariin cod ah waxeyna samayn doonaan dhowr iskudayo si laguula soo hadlo. Baaraha uma baahan doono inuu eego risiidhyada dayactir ama sawirada waxyeellada. Laakiin haddii aad bilowdid inaad nadiifisid kahor baaritaanka, FEMA waxey soo jeedineysaa inaad qaadid sawiro, liis garaysid khasaarahaada, aadna keydisid risiidhyada dhammaan kharashaadkaaga musiibadu sababtay.
Buug yaraha "Caawin Musiibo Kadib"
Loo fasisray 27 luuqadood, buug yaraha "Caawin Musiibo Kadib" waa agab lala wadaagi karo bulshadaada si loo caawiyo in dadku fahmaan noocyada gargaar ee FEMA kuwaas oo u furnaan kara iney taageeraan shakhsiyaadka iyo qoysaska ku jira kasoo-kabashada musiibo.
Muwaadinimo iyo U-Qalmida FEMA
FEMA waxaa ka go'an caawinta dib-u-soo-kabashada dhammaan ka-badbaadayaasha musiibo ee u qalma, ay ku jiraan muwaadiniinta Ameerikaanka ah, jinsiyaadka muwaadin-ahayn iyo ajaaniibta u qalma. Wax badan ka baro Shuruudaha Muwaadinimo iyo Xaalada Soo-galootinimo ee la xiriira faaiidooyinka federaalka ee dadweynaha.
Hel La-taliye Guriyeyn
Waaxda Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka Mareykanka (HUD) ayaa kaalmo siisa shabako wadanka oo dhan oo ah hay'addaha la-talinta guriyeynta (HCA-yada) iyo la-taliyeyaasha shatiyeysan. HCA-yada ka qeybgala HUD waa la ansixiyey waxaana loo tababaray iney bixiyaan agabyo dadka haddeertan guriyaha leh iyo kuwa yeelan kara iyo kireysteyaasha si ay u samaystaan dooqyo masuuliyad leh ayna wax uga qabtaan baahiyahooda guriyeyn si ku xiran xaaladahooda maaliyadeed.
Xaqiijinta Guri Lahaansho ama Degenaansho
FEMA waxaa looga baahanyahay iney xaqiijiso inaad ugu nooleyd cinwaanka codsigaaga kujira sida degane aasaasi ah kahor intaaney bixinin intooda badan noocyada gargaar. FEMA waxaa sidookale looga baahanyahay iney xaqiijiso inaad lahayd gurigaaga kahor intaaney bixinin dayactir guri ama gargaar dib-u-bedellid guri. Baro wax badan oo ku saabsan nidaamkan.
Ka qeyb ahaan dadaalkayaga ah ka dhigida nidaamka gargaarka musiibo mid dhakhso ah aanu codsayassha culeyska ka yarayno, waxaan isku daynaa inaan xaqiijino degenaansho iyo lahaansho innagoo isticmaalayna raadin diiwaano dadwayne oo otomaatik ah.
Haddii aan xaqiijin karin inaad ku nooleyd ama lahayd guriga ku liis garaysan codsigaaga, waxaan ku waydiin doonaa inaad bixiso dukumintiyo si loo cadeeyo deganaansho iyo/ama lahaansho si ay nooga caawiso go'aaminta haddii laguu ansixiyey gargaar.
Sidee Baan Racfaan Uga Qaataa Go'aanka?
Haddii aad heshid warqad sheegaysa inaan laguu ansixinin gargaar ama in codsigaagu ahaa mid aan dhamestirneyn, waxaad wali dhamestiri kartaa codsigaaga ama racfaan ka qaadan kartaa go'aanka 60 maalmood gudahooda markaad heshid warqada go'aanka. Warqada ama boosto ayaa laguugu soo diri doonaa ama waxaa la dhigi doonaa koontadaada Xarunta Gargaarka Musiibo haddii aad koonto ka furatay.
Wax badan ka baro racfaanada
Su'aalaha Inta badan La Is-weydiiyo iyo Kutiri-kuteenta
Wax badan ka baro kutiri-kuteenada ugu badan ee musiibo-la-xiriira iyo sida loo soo gudbiyo khayaano. Waxaad sidookale u heli kartaa jawaabo su'aalaha inta badan la is-weydiiyo oo ku saabsan hooyga degdega ah, gargaar musiibo, caymis daad iyo kuwo badan.
Kheyraadyada Dhowrka Luuqadood
Waxaad heli kartaa madbaacyo baro bulsho oo leh fariimo muhiim ah oo ku baxa dhowr luuqadood, ay ku jiraan English, Chinese, Spanish iyo Veitnamese.
Waxaan sidookale haynaa muuqaalo ku baxa Luuqada Dhagoolaha Mareykanka (ASL) ee mawduucyada ay kujiraan:
Kheyraadka Maxalliga ah
Macaluumaadka Maxalliga ah
Warka & Saxaafadda Maxalliga ah
Booqo bogga Warka & Saxaafadda ee dhacdooyina, xaashadaha xaqiiqda, siideymaha saxaafadda iyo kheyraadyada kale ee isgaarsiin.
Sidoo loo Caawiyo
Is-xilqaam oo ku Deeq
Kasoo-kabasho ayaa qaadan karta dhowr sanno musiibo kadib. Waxaa jira dhowr qaabab ee loo caawiyo sida ku deeqida kaash, sheyaasha loo baahanyahay ama wakhtigaaga. Wax badan ka baro sida loo caawiyo kuwa baahida kujira.
Ha isu-dirin naftaada goobaha musiibada. Ururo La Aaminsanyahay ee goobaha waxyeeloobey jooga ayaa og meesha is-xilqaamayaasha looga baahanyahay. Kala shaqee urur abaabulan si aad u xaqiijiso inaad leedahay badqabka, tababarka iyo xirfadaha habboon ee loogu baahanyahay in lagu jawaab-bixiyo.
Is-kaashatooyinka Hay'adda Is-xilqaan ee FEMA (VAL) ayaa la dhisa xiriiro waxeyna isku-duwdaa dadaalo lala sameeyo ururada bulsho ee ku firfircoon musiibooyinka ee is-xilqaama, oo ku salaysan aaminaad.
La samaynta Ganacsiyo FEMA
Haddii aad xiiseyneysid inaad bixisid adeegyo iyo badeeco lacag ah oo loogu talalgalay kabashada musiibo, booqo boggeena La samaynta Ganacsiyo FEMA si aad u bilawdid.
Haddii aad leedahay ganacsi ku hawlan saarida qashinka aadna rabtid inaad ka shaqeysid dadaalada nadiifinta goobta saamooway, fadlan la xiriir dawlada hoose ee goobaha saamooway si aad u bixisid adeegyadaada.
Waajibaadyada Kharash-garaynta
Gargaar Shakhsiyeed | Cadadka |
---|---|
Wadarta Gargaarka Guriyeynta (HA) - Dollarka la Ansixiyey | $18,393,573.90 |
Wadarta Gargaarka Baahiyaha Kale (ONA) - Dollarka la Ansixiyey | $1,591,527.61 |
Wadarta Barnaamijka Shaksi & Qoys Dollarka la Ansixiyey | $19,985,101.51 |
Cosiyada Gargaar Shakhsiyeed la Ansixiyey | 3250 |
Gargaar Dadweyne | Cadadka |
---|---|
Total Public Assistance Grants Dollars Obligated | $79,677.25 |
Liiska Xarumaha Kasoo-kabashada Musiibo (DRC)
Disaster Recovery Centers provide disaster survivors with information from FEMA and the U.S. Small Business Administration. Disaster survivors can get help applying for federal assistance, learn about the types of assistance available, learn about the appeals process and get updates on applications.
Search for the Disaster Recovery Center (DRC) closest to you.
Ludlow Community Center
Cinwaan
37 Main St
Ludlow, Vermont 05149
Windsor
Get Directions
Saacadaha DRC
Isniin: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Talaado: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Arbaco: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Khamiis: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Jimco: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Sabti: | 9:00 AM - 2:00 PM |
Axad: | XIDHAN |
QORAALO
Soft Opening Hours of Operation 9/19 1:00 - 6:00PM.
Barre Auditorium
Cinwaan
16 Auditorium Hill
Barre, Vermont 05641
Washington
Get Directions
Saacadaha DRC
Isniin: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Talaado: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Arbaco: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Khamiis: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Jimco: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Sabti: | 9:00 AM - 2:00 PM |
Axad: | XIDHAN |
QORAALO
Soft opening on 7/26 @1PM.
Waterbury Armory
Cinwaan
294 Armory Drive
Waterbury, Vermont 05676
Washington
Get Directions
Saacadaha DRC
Isniin: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Talaado: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Arbaco: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Khamiis: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Jimco: | 8:00 AM - 6:00 PM |
Sabti: | 9:00 AM - 2:00 PM |
Axad: | XIDHAN |
QORAALO
Soft Opening on 7/21 at 1PM.