Fahmida Warqadaada FEMA

Release Date:
May 15, 2024

Dadka degan Ohio ee u codsaday gargaar FEMA duufanadii 14 Maarso waxey heli doonaan warqad ka socota FEMA. Warqadan waxey sharxi doontaa xaalada codsigaaga iyo sida looga jawaabo. Waa muhiim in si taxadir leh loo akhriyo warqada sababtoo ah waxaa ku jiri doona cadadka wixii gargaar ah ee FEMA ku siin karto ama dukumintiyada FEMA ay wali kaaga baahnaan karto.   

Xaalada: U-qalmida:

Haddii aad soo gudbisey dhammaan macluumaadka loo baahanyahay una qalantid deeq FEMA ah, warqada waxey kuu sheegi doontaa cadadka doolarka deeqdaada iyo sida kharashka loo isticmaali doono. Deeqahan waxaa loogu talagalay dayactiro, guriyeyn ku meel-gaar ah iyo kharashaadyada kale ee muhiimka ah ee lasoo ansixiyey oo musiibo-la-xiriira.

Xaalada: Haddeertan u Qalmin

Haddii ay warqadu tirahdo inaadan haddeertan u qalmin, waxey kuu sheegi dooontaa sababta ama waxa FEMA wali u baahantahay iney ogaato. Waxey sidookale kuu sheegeysaa sida racfaan looga qaato go'aan haddii aadan ku raacin. 

Waxaad u baahan kartaa inaad gudbisid macluumaad dheeri ah ama dukumintiyo taageera sifo FEMA usii wado ka shaqeysiinta codsigaaga. Tusaalooyinka dukumintiyo maqan waxaa ku jiri kara:

  • Caddeyn dabool caymis ah
  • Dejin sheegasho caymis ah ama warqad inkiraad ee laga helo bixiye caymis. Ogow: Haddii go'aan ku saabsan dejinta caymiskaagu uu ka dib dhaco wax ka dheer 30 maalmood laga bilaabo wakhtiga aad buuxisey sheegashada, waxaad u qalmi kartaa lacag-bixin hore ee caymis oo laga helo FEMA. Lacagtan waxaa loo tixgeliyaa sida deyn waana in dib loogu baxshaa FEMA markaad ka heshid dejintaada shirkadaada caymiska.
  • Caddeyn aqoonsi
  • Caddeyn degenaasho ama lahaansho
  • Cadee in guriga waxyeeloobey uu ahaa deegaankaaga aasaasiga ah xiliga musiibada

Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan warqadda, ka wac qadka-caawinta gargaarka musiibada 800-621-3362 si aad u ogaatid macluumaadka ay FEMA u baahantahay.

Sidoo looga Racfaan qaato

Haddii aadan ku raacin go'aanka FEMA, waad ka racfaan qaadan kartaa. Waa in lagu gudbiyaa 60 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda warqada go'aanka.

Warqadaada FEMA waxey bixin doontaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan noocyada dukumintiyo ama macluumaad oo u baahan in la baxsho haddii aad doorbidid inaad racfaan ka geysid go'aankii hore ee FEMA. 

Dukimintiyada waxey si gaar ah u quseeyaan go'aanka la gaaray. Tusaale, haddii aad racfaan ka qaadaneysid gargaar dheeri ah ee kaa caawiya dayactir gurigaada ah, waxaad u baahan doontaa inaad FEMA siisid risiidhyada, biilasha ama qiyaasaha dayactireed ee loo heley dayactirada loogu baahanyahay gurigaaga musiibada awgeed. 

Lyadoo wehliso warqadaada go'aanka, FEMA waxey sidookale bixin doontaa Foom Codsi Racfaan ah oo loo adeegsan karo inuu kaa caawiyo inaad bixisid macluumaad dheeri ah, haddii aad doorbidid inaad sameyso sidaa. 

Racfaankaaga waxaa FEMA loogu gudbin karaa qaab fakis ama iimeyl ah, waji-ka-waji ee Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ama onleen haddii aad qabtid koonto FEMA oo onleen ah. Si aad u degsato koonto onleen ee FEMA ah, booqo DisasterAssistance.gov, ku dhufo "Codso Onleen" oo raac jihooyinka. 

  • Boosto ahaan: Xarunta Ka-shaqeynta Qaranka ee FEMA, P.O. Box 10055, Hyattsville, MD 20782-7055
  • Fakis ahaan: 800-827-8112, Fiiro-gaar ah: FEMA
  • Waji-ka-waji: Booqo wax Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ah si aad u gudbisid racfaankaaga, aad u heshid wixii ugu dambeeyey ee ku saabsan codsigaaga FEMA ama jawaabaha su'aalahaada. Xarun ka hel halkan: fema.gov/DRC

Haddii aad su'aalo ka qabtid sida looga racfaan qaato, ka wac FEMA Leenka-Caawinta ee 800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida muuqaalka (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas. 

Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777. Taariikhda kama dambeysta in lagu codsado gargaar FEMA waa Luulyo 1, 2024.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay