Shan tallaabo oo aad kaga hortagi doonto daadka mustaqbalka

Release Date Release Number
DR-4797-MN NR-15
Release Date:
Sitembar 11, 2024

ST. PAUL – Haddii aad tahay qof dagaan ku ah gobolka Minnesota oo ka soo kabanaya masiibada Juun 16 - Luulyo 4, ka fiirso inaad hadda qaado tillaabooyin si aad gurigaaga uga ilaaliso khatarta daadadka mustaqbalka.

Waa kuwan shan siyaabood oo aad kaga ilaalin karto hantidaada daadka

  1. Maalgelinta Caymiska Daadka: Ma ogtahay in 1 inji oo biyo ah ay keeni karaan khasaare dhan $25,000? Kala hadal wakiilkaaga caymiska fursadaha caymiska si aad si waafi ah u caymiso gurigaaga. Xusuusnow, uma baahnid inaad ku jirto meel daad ah si aad halis u gasho daadka ama aad caymis u gasho. Boqolkiiba 40 ee caymiska daadadka ee dalka oo dhan iyo saddex meelood meel meel ka mid ah lacagaha kaalmada musiibada ah ee daadadka waxa ay tagaan meelaha loo arko in ay hoosayso ama dhexdhexaad u tahay khatarta fatahaadda. Booqo FloodSmart.gov si aad wax dheeraad ah u garato.
  2. Dildilaaca seeska guriga: Isticmaalciid iyo sobodhka dhismaha si aad uga ilaaliso gurigaaga daadka inuu seeka ka galo.
  3. Ku rakib bamka qashin jiide iyo waalka dib u qulqulidda: Hubi inaad haysato bamka biyaha qaada ee batari ku shaqeeya haddii ay koronto xumaato oo tixgeli inaad kiraysato tuubiste si uu socodka biyaha iyo bulaacada dib uga soo celiyo gurigaaga.
  4. Kor u qaad qalabka guriga: Kor u qaad oo ku xidh qaboojiyeyaasha hawada qaboojiya, bambooyin kulaylka, mitirka biyaha, iyo qalabka kale ee adeegga dushooda meelaha ugu yaraan 1 cagood ka sarreeya sare u qaadida daadka. Tixgeli inaad kor u qaaddo qalabka kale ee waaweyn ee ka sarreeya fooqa dhulka.
  5. Jardiinka guriga oo ka caawin kara qulqulka: Dhis meel kasta oo go'day oo ku wareegsan aasaaska, qodo godad yar si ay si aad si habboon u soo gudbiyaan biyaha roobka, oo haddii kale hagaajiso dayrkaada, si ay daadku uga fogaado gurigaaga

Lacagaha Federaalka ayaa laga yaabaa in la heli karo si ay kaaga caawiyaan dhimista Khatarta Musiibada Gurigaaga ku dhici karta hadduu daad soo wajaho.

Milkiilayaasha guryaha ee codsaday FEMA oo helay gargaarka musiibada ayaa laga yaabaa inay helaan lacag dheeraad ah si ay ugu bixiyaan tallaabooyinka dhimista khatarta gaarka ah. Dadka reer Minnesota ee ay saameeyeen duufaanadii Juun 16 - Luulyo 4, kaalmadan waxaa ka mid noqon kara hagaajinta saqafkiina si ay ugu adkaystaan dabaylaha sare iyo inay ka caawiyaan ka hortagga gelitaanka biyaha, sare u qaadida kuleyliyahaaga biyaha ama foornada iyo/ama sare u qaadida ama dhaqaajinta guddi koronto si aad uga hortagto daadka oo mustaqbalka gurigaaga waxyeello u geeysta. Maalgelintan dheeriga ah waxaa lagu bixin doonaa qaddarka abaal-marinta ee ay helaan mulkiilayaasha guryuhu kuwaas oo u qalma kaalmada dayactirka guriga ee FEMA. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ilahan dhaqaale ayaa laga heli karaa xaashida xaqiiqda ee Yaraynta Khatarta ee hoos timaadda Shakhsiyaadka iyo Barnaamijka Qoyska

Intaa waxaa dheer, u-qalanta Maamulka Ganacsiga Yaryar ee Maraykanka (SBA) amaah-qaadayaasha amaahda musiibada waxay kordhin karaan amaahdooda ilaa 20% wadarta dumitaanka hantida si ay ugu daraan tillaabooyinka yaraynta gurigooda ama ganacsigooda si ay uga caawiyaan ka ilaalinta masiibooyinka mustaqbalka. Wax badan ka baro www.sba.gov/funding-programs/disaster-assistance.

Haddii aad rabto talooyin dheeraad ah oo ku saabsan yaraynta khatarta daadka, booqo www.FEMA.gov/protect-your-property. Baro wax badan oo ku saabsan hawlgalka masiibada ee Minnesota adiga oo booqanaya websaydkayaga www.fema.gov/disaster/4797.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay