Doorka Soo-kabasho ee Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka

Release Date:
Ogosto 4, 2023

FEMA waxey badanaa u gudbisaa ka-badbaadeyaasha mussibo Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA) si ay u codsadaan deyn musiibo ribac-hooseeya leh. Deymaha musiibada waxey qeyb muhiim ah ka yihiin gargaar federaal, waxeyna caawin karaan iney soo kabsadaan milkiiliyaasha guri, kireystayaasha, ganacsiyada noocyadooda kala duwan iyo ururo qaar ee aan faa'iido doonka ahayn.

Markaad codsatid gargaarka musiibo ee FEMA, waxaa laguu gudbin karaa SBA

  • Deymaha musiibo ee SBA ayaa ah isha ugu weyn lacagaha kasoo-kabasho musiibo federaalka ah ee badbaadayaasha. SBA waxey siisaa deymo xeer ribac-hooseeya leh ganacsiyada cabiradooda oo idil, ururada faa'iido doonka ahyn ee gaarka loo leeyahay, milkiiliyaasha guri, iyo kireystayaasha.
  • Deymaha musiibo ee SBA waxey leeyihiin wakhtiyo lacag-ku-bixin fiican oo leh xeerar ribac oo dhegsan, otomaatik, dib-u-dhigis lacag-bixin 12-bilood ah ee leh 0% ribac ah 12 ka bilood ee ugu horeeya.

Deymaha SBA waxey qeyb muhiim ah ka qaadan karaan soo-kabashadaada

  • Codsashada deyn SBA ah ayaa FEMA u ogolaaneysa iney kuu qadariso noocyo kale ee gargaar, ay ku jirto waxyeelo soo gaarta gawaarida, sheyaasha qoyska ee muhiimka ah iyo kharashaadyada kale ee musiibo-la-xiriira.
  • Waa bilaash in la codsado, umana baahnid inaad aqabashid deynta haddii laguu ansixiyo.
  • Haddii aad go'aansatid inaadan aqbalin deynta, waxaad codsan kartaa dib-u-aqbalitaan lix bilood gudahood. Dib ayaad u furi kartaa codsigaaga haddii aad aragto waxyeelo dheeraad ah ama haddii xalka caymiskaagu uusan ku filneyn inuu daboolo dayactiradaada.
  • Haddii SBA kuu aragto inaad u qalantid, waxey dib kuugu soo gudbin karaan FEMA, taas oo dabadeed kuu qiimeyn karta gargaar dheeraad ah.

Si adag dib ugu dhis

  • Deeqaha FEMA iyo deymaha musiibo ee SBA ayaa ka wada shaqeeya iney dayactiraan waxyeelo ayna dedejiyaan soo-kabashadaada.
  • Deymaha musiibo ee SBA waxaa loo isticmaali karaa in lagu sameeyo hagaajino guriga ah taas oo saari karta waxyeelo mustaqbalka ah ama badbaadin karta nolol. Deymaha musiibada waxaa lagu kordhin karaa ilaa 20% si kor-u-qaadis loogu sameeyo guriyaha ama hagaajino si loo yareeyo waxyeelo mustaqbalka ah. 
  • Wixii macaluumaad dheeri ah ee ku saabsan SBA, ka wac Xarunta Adeega Macaamiilka SBA 1-800-659-2955 (garaac 7-1-1 si aad marin ugu heshid adeegyada isku-duwida isgaarsiin) ama iimeyl udir DisasterCustomerService@sba.gov 
  • Si aad u dodsato deyn SBA ah, booqo DisasterLoanAssistance.sba.gov 
  • Si aad u codsatid gargaar, booqoDisasterAssistance.gov, lasoo dag Apka FEMA ama ka wac Leenka-Caawinta FEMA 1-800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.
    • Si aad u heshid Xarun Kasboo-kabasho Musiibo, halkaas oo takhasusyahanada FEMA kaa caawin karaan inaad codsatid ayna kaaga jawaabi karaan su'aalo waji-ka-waji, booqo fema.gov/drc
Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay