Gargaar Shakhsiyeed

FEMA ayaa caawin karta kasoo-kabashadaada musiibo weyn.

Graphic
Family and FEMA staff standing in front of a house

FEMA waxay hirgelisay cusboonaysiinta ugu wanaagsan ee gargaarka musiibada 20 kii sano ee la soo dhaafay. Cusboonaysiintan waxaa ka mid ah:

  • Maalgelinta dabacsan ayaa si toos ah loo siiyaa badbaadayaasha marka ay aad ugu baahan yihiin.
  • Baahinta xaq u yeelashada si looga caawiyo dad badan inay si dhakhso leh u soo kabtaan.
  • Nidaam codsi oo la fududeeyay si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee badbaadayaasha ah.

Isbeddelladani waxay khuseeyaan masiibooyinka lagu dhawaaqay markas ama ka dib Maarso 22, 2024.

Gargaar Noocee ah baad U Baahantahay?

Waxaan U Baahanahay Gargaar Degdeg ah

Lamaanayaashayada gargaar musiibo waxey bixin karaan caawin degdeg ah ee baahiyaha aan FEMA loo oggolayn iney bixiso.

  • Gargaar Caafimaad oo Degdeg ah: Fadlan garaac 9-1-1.
  • Hooy Degdega ah: Dooqyada ku eeg koodhka zip adigoo booqanaya Bisha Casta Maraykanka ama Ciidamada Badbaadinta, ama adigoo fariin-qoraal SHELTER iyo koodhkaaga zip u diraya (tusaale, "SHELTER 01234") 4FEMA (43362). Wixii Spanish ah fariin-qoraal REFUGIO iyo koodhkaaga zip u dir. (Heerarka fariin-qoraaldka caadiga ah ayaa dallacma.)  Waxaad sidookale la soo dagi kartaa Apka moobeelka FEMA si aad u raadisid hooy furan.
  • Baahiyaha Degdeg ah: Kala xiriir hay'adda maareynta arrimaha degdega ah goobtaada wixii caawin ah. Leenka-Caawinta FEMA (800-621-3362) ayaa sidookale bixin kara ugudbino dheeri ah. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas.

Waxaan sidookale siinaa kaalmo shakhsiyaadka leh naafanimada, ama baahiyaha gelitaan iyo shaqo.

alert - info

Miyaad dareemeysaa walaac ama dhibaatooyinka kale ee dhimirka ee la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah ama aadanuhu sababay? Booqo Leenka-Caawinta Dhibta Musiibada

Caawinta Shakhsiyaadka iyo Qoysaska

Barnaamijka FEMA ee Shakhsiyaadka iyo Qoysaska (IHP) wuxuu siiyaa garaago lacageed ama toos ah shakhsiyaadka iyo qoysaska u qalma oo ay saameysay waxyeelada, kuwaas oo leh kharashaad lagama maarmaaan ah iyo baahiyo daran oo aan la caymin ama si gaabis ah loo caymiyey.

Tallaabooyinka Xiga Kadib Codsashada Gargaar

Waxaad warqad ogeysiis ka heli doontaa FEMA boosto Mareykan ah ahaan ama jawaab qadka ah. Waxaad u baahan kartaa inaad xaqiijiso aqoonsigaaga ama buuxiso baaritaan guri.

Caawinta Ganacsiyada Yaryar

Waxaad heli kartaa wicitaan taleefon ee kaa waaniya qaabab aad u codsato Maamulka Ganacsi Yar (SBA). Haddii laguu gudbiyo SBA, Waa in la dhamestirtaa oo loo soo celiyaa codsi deyn si laguugu qadariyo deyn, iyo sidookale noocyo qaar ee gargaarka FEMA ah.

Wax badan ka arag deymaha SBA.

Agabyada lagu Kaalmeeyo Gargaar Shakhsiyeed

Graphic
Survivors’ Road to Recovery Graphic

Wadada Kasoo-kabashada

Inkastoo dhammaan dariiqyada soo-kabashada ee ka-badbaadayaashu aaney iskuwada mid ahayn, agabkan falgalka leh wuxuu ku dhex marin doonaa nidaamka caadiga ah iyo shuruudaha aytahay in la raaco oo kaa caawin kara inaad heshid kaalmada aad u baahantahay kadib markay musiibo ku heleesho.

Bilow Wadada Kasoo-kabashada

Buug yaraha "Caawin Musiibo Kadib"

Loo fasisray 27 luuqadood, buug yaraha "Caawin Musiibo Kadib" waa agab lala wadaagi karo bulshadaada si loo caawiyo in dadku fahmaan noocyada gargaar ee FEMA kuwaas oo u furnaan kara iney taageeraan Shakhsiyaadka ku jira kasoo-kabashada musiibo.

La soo dag buug yaraha.

Siyaasada, Hagitaan, iyo Xaashadaha Xaqiiqda

Boggan wuxuu keydiyaa macaluumaad ku saabsan siyaasada, hagitaan, iyo xaashida xaqiiqda ee barnaamijka Gargaar Shakhsiyeed ee FEMA, ay ku jirto Hagaha Siyaasad iyo Barnaamijka Gargaar Shakhsiyeed (IAPPG).

Booqo isku-uruurinta Siyaasada, Hagitaan, iyo Xaashadaha Xaqiiqda.

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay