FEMA waxey Ka-badbaadayaasha U bandhigtaa Qaabab badan ee Liskula Xiriiro

Release Date:
Luulyo 31, 2023

Lacagaha Federaalka waxey u diyaarsanyihiin shakhsiyaadka guriyahooda iyo hantidooda shakhsi waxyeeleysay duufaanadii, daadkii, dhul duragii iyo dhooqadii July ee ka dhacday sagaal gobol: Caledonia, Chittenden, Lamoille, Orange, Orleans, Rutland, Washington, Windham iyo Windsor. 

FEMA waxey ku dhex jirtaa bulshada, iyadoo ka-badbaadiyaasha u bandhigeysa qabab badan ee lagu codsado gargaar iyo kala shaqeeyaan wakiilada FEMA wax ku saabsan kiiskooda.

Sidoo loo codsado:

Si loo codsado gargaar musiibo, ka-badbaadayaasha waxey:

  • Booqan karan DisasterAssistance.gov;
  • Ka lasoo dag apka moobeelka FEMA Apple App Store ama Google Play Store; 
  • Ka wac leenka-caawinta bilaashka ah FEMA 800-621-3362; waxaa diyaar ah fasiraad luuqad. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid ama
  • Kula kulan FEMA Xarun Soo-kabasho Musiibo waji-ka-waji, Xarun Soo-kabasho Ganacsi, bulshadaada iyagoo wareegaya albaabada iyo Xarumaha Kheyraad ee Hay'ado badan oo ku yaala dhammaan goobta saamowday. 

Muuqaal gelitaan ee sida loo codsado gargaar FEMA ku saabsan, aad youtube.com/watch?v=WZGpWI2RCNw.

Haddii aad ku nooshahay gobol aan la cayimin aadna leedahay waxyeelada waxaad ka wici kartaa FEMA Leenka-Caawinta 1-800-621-3362 si aad u codsatid haddii gobolkaaga la cayimana, codsigaaga ayaa bilaabmi doona in laga shaqeeyo. 

Xarumaha Kasoo-kabashada Musiibo (DRC-yo):

Xarumaha Kasoo-kabashada Musiibo waxey waji-ka-waji kaalmo u siinayaan shakhsiyaadka iyo milkiiliyaasha ganacsiga yar. Takhasusyahano soo-kabasho ka socda FEMA, Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka, iyo kheyraad/agab dheeri ah ayaa ka caawin kara ka-badbaadayaasha iney codsadaan gargaar, soo geliyaan dukumintiyo, loogana jawaabo su'aalahooda.

  • Shan Xarumo ee Kasoo-kabasho Musiibo ayaa ka furan gobolada Rutland, Washington iyo Windham. Goobaha waa:
  • ASA Bloomer Building, 88 Merchants Row, Rutland, VT 05701 
  • Waterbury Armory, 294 Armory Drive, Waterbury, VT 05676
  • Barre Auditorium, 16 Auditorium Hill, Barre, VT 05641
  • Iskuulka Flood Brook, 91 Vermont Vermont–11, Londonderry, VT 05148
  • Twinfield Union School, 106 Nasmith Brook Road, Plainfield, VT 05667
  • Saacadaha dhammaan loogu talagalay: 8 subaxnimo ilaa 7 habeenimo maalinly.
  • Goobaha DRC iyo saacadaha shaqo ayaa halkan laga heli karaa DRC Locator (fema.gov/drc).

Xarumaha waxey:

  • Kaalmo ka geysan karaan buuxinta codsiyada;
  • Cusbooneysiin karaan xaalada codsi ee ka-badbaade;
  • Caawin karaan u gudbinta dukumintiyo dheeri ah FEMA;
  • Adeeg u-gudbin siin karaan ururada is-xilqaamay kuwaas oo adeegyo kala duwan siiyaa ka-badbaadayaasha; iyo 
  • Marin u siin karaan Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka wixii kaalmo deyn iyo adeeg macaamiil ah.

Xarumaha Kheyraad ee Dhowrka-Hay'ad (MARC-yo):

MARC waa hal goob taas oo dadweynaha iyo ururada gaarka ah ku kulmaan si loo caawiyo kuwa ay musiibadu saameysey. MARC-yadu waa hawlgallo wada-shaqeyn ah. 

Goobaha iyo saacadaha shaqo ayaa halkan laga heli karaa: https://vem.vermont.gov/flood/marc

Gargaar Ka-badbaade Musiibo (DSA):

Kooxaha DSA ee ka socda FEMA ayaa albaab-albaab ugu tagaya bulshooyinka Vermont, iyagoo wareegaya xaafadaha ka caawinayana dadka deegaanka ay saameysey duufaanta iney codsadaan gargaar musiibo ee FEMA. 

Xubnaha shaqaalaha DSA waxey booqanayaan guriyaha, iskuulada, ururada faa'iido doonka ahayn iyo bulshooyinka leh marin xadidan. Waxey sidookale la kulmayaan madaxda maxalliga ah iyo hogaanka bulsho si loo aqoonsado arrimaha musiibo-la-xiriira iyo baahiyaha aan la fulin.

Kooxaha DSA waxey ka-badbaadayaasha ka caawin karaan iney codsadaan gargaar, cusbooneysiiyaan macaluumaadkooda ayna ka caawiyaan u gudbino iskaasahtooyinka hay'ad is-xilqaantay. Shaqaalaha DSA waxey xidhaan astaan aqoonsi ee FEMA oo leh sawirkooda.

Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA):

SBA waxey saddex goobo ka furtey Xarumo Soo-kabasho Ganacsi (BRC-yo) si ay u caawiso milkiiliyaasha guri, kireystayaasha, ganaciyada dhammaan baaxaddooda kala duwan iyo ururada faa'iido doonka ahayn kuwaas oo kaalmo uga baahan codsashada deyn muddo dheer, ribaceedu hooseeyo ee SBA.

  • Gobolka Washington: 751 Granger Road Berlin, Vermont 05641 
  • Gobolka Windsor: 126 Main Street Ludlow, Vermont 05149 
  • Gobolka Lamoille: 29 Sunset Drive, Morrisville, VT 05661

Goobaha iyo saacadaha shaqo booqo: www.sba.gov/article/2023/07/17/sba-offers-disaster-assistance-businesses-residents-vermont-affected-recent-severe-storms-flooding

Macaluumaadkii ugu dambeeyey ka booqo fema.gov/disaster/4720. Kala soco Twitter-ka koontada 1 Gobolka ee FEMA twitter.com/FEMARegion1 ama bogga Facebook-ga facebook.com/FEMA.

Wixii u dambeeyey ee jawaab-celinta iyo kasoo-kabashada Vermont, kala soco Hay'adda Maareynta Arrimaha Degdega ah ee Vermont twitter.com/vemvt eeTwitter iyo Facebook facebook.com/vermontemergencymanagement

FEAM waxaa ka go'an inay xaqiijiso gargaar musiibo ay weheliso sinnaan, takoor la'aan si ku salaaysan midab, kalar, diin, dhalasho, jinsi, da', naafanimo, garashada Ingiriiska, ama xaalad dhaqaale. Ka badbaade kasta ee musiibada ama xubin bulshada ah ayaa lasoo xiriiri karta Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA haddii ay dareemaan iney yihiin dhibane takoor. Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA waxaa lagala soo xiriiri karaa si bilaash ah 833-285-7448. Waxaa diyaar ah hawlwadeeno dhowr luuqadood ku hadla.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay