ویلیسټن ورمانت، VT WILLISTON,– د FEMA لخوا د ناورین څخه د ژغورنې مرستې (DSA) ټیمونه د ورمانټ په ټولنو کې کور په کور ځي، د ګاونډیو سیمو څخه لیدنه کوي او د سیلاب ځپلو اوسیدونکو سره مرسته کوي چې د FEMA ناورین مرستې لپاره راجستر کړي. د DSA عمله غړي کورونو، ښ

Release Date Release Number
010
Release Date:
Luulyo 27, 2023

Kooxaha Caawiya Dadka Kabadbaaday Musiibada (DSA) ee FEMA ayaa irid irid guryaha u hor istaagaya xaafadaha Vermont, xaafadaha ayagoo ku wareegaya oo ka caawinaaya dadka halkaa daggan ee daadku saameeyay isu diiwaangalinta caawimaada musiibada ee FEMA. 

Shaqaalaha DSA ayaa booqanaya guryaha, iskoollada, hayadaha samafalka iyo xaafadaha aan sida aadka ah loo soo gali karin. Waxay sidoo kale la kulmayaan madaxda maxalliga ah iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si loo garto arrimaha musiibada la xiriira iyo baahiyaha aan wali la daboolin.

Kooxaha DSA ayaa caawin kara oo kaalmo siin kara dadka musiibada ka badbaaday, waxaana ay siin karaan xogtii ugu dambeysay ee loogu tala galay ayaga waxayna u gudbin karaan hayadaha iskaa wax uqabsada ku shaqeeya ee shuraakada la ah. Waxay siin karaan dadka daggan meelahaas fursadii ay ku isticmaali lahaayeen tablet inay isku diiwaan galiyaan loogu tala galay ama wayba u buuxin karaan xogtooda ayaga qudhoodu.

Shaqaalaha DSA lacag dadka ma weydiistaan mana ka qaataan. Shaqaalaha DSA waxay xirtaan baajka aqoonsiga ah ee FEMA oo leh sawir – funaanada FEMA, garan ama jaakad ayagu ma ahan caddeyn aqoonsi. Ayagoo ka caawinaaya qof isdiiwaangalin ayaa ay weydiin karaan xog shakhsi sida nambarka sooshiyaal sekuuritiga (social security), dakhliga soo gala sanadkii iyo xota bangigiisa. Dadka daggan nawaaxigaa ayaa lagu boorrinayaa inay weydiiyaan aqoonsigooda shaqaalahaas ka hor intaanay siin wax xog shakhsi ah. 

Dadka daadadku saameeyeen ee kusugan degmooyinka Caledonia, Chittenden, Lamoille, Orange, Orleans, Rutland, Washington, Windham iyo Windsor maahan inay sugaan shaqaalaha DSA si ay isu diiwaangaliyaan si ay u helaan cawimaad. Si aad isu diiwaangaliso, lasoo dag FEMA Mobile App, booqo DisasterAssistance.gov ama wac 1-800-621-3362. Haddii aad isticmaasho adeegga sii gudbinta maqalka iyo muuqaalka ee (VRS), adeeg taleefan oo farriimuhu qoraal leeyihiin iyo waxyaabo kale, sii FEMA nambarka taleefankaaga ee loogu tala galay adeeggaas markii aad codsanayso.

FEMA waxaa ka go’an xaqiijinta caawimaada musiibada in si siman loogu guuleysto, ayadoo uusan jirin takoor kusalaysan isir, midab, jinsiyad, jinsi, da’, naafonimo, aqoonta qofku u leeyahay af Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaale. Qof kastoo musiibada kabadbaaday ama xubin kastoo ka tirsan dadweynaha wuxuu la xiriiri karaa Xafiiska Xaquuqda Madaniga ah ee FEMA haddii uu dareemayo inuu dhibbane u noqday takoor. Xafiiska Xaquuqda Madaniga ah ee FEMA waxaa lacag la’aan looga waci karaa 833-285-7448. Luuqado badan ayaa lagula xiriiri karaa.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay