Warka iyo Saxaafadda: Musiibo 4720
Wax badan oo ku saabsan Musiibadan
Siideynta Saxaafadda & Xaashadaha Xaqiiqda
24
FEMA, oo la bahowday Gobolka Vermont, ayaa shaqaaleysiineysa dadka degan gobolka si loo caawiyo kasoo-kabashada daadadkii, duufaanadii darnaa, dhul duraggii iyo dhooqadii July.
Markaad codsatid gargaar musiibo, FEMA waa iney xaqiijisaa aqoonsigaaga si ay u xaqiijiso inaad heshid gargaarka aad u-qalantid. Haddii FEMA aynan awoodin iney ka xaqiijiso aqoonsigaaga diiwaanka dadweynaha, waxaa lagaaga baahan karaa inaad gudbisid dukumintiyo dheeri ah.
FEMA waxey badanaa u gudbisaa ka-badbaadeyaasha mussibo Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA) si ay u codsadaan deyn musiibo ribac-hooseeya leh. Deymaha musiibada waxey qeyb muhiim ah ka yihiin gargaar federaal, waxeyna caawin karaan iney soo kabsadaan milkiiliyaasha guri, kireystayaasha, ganacsiyada noocyadooda kala duwan iyo ururo qaar ee aan faa'iido doonka ahayn.
Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ayaa laga furi doonaa Springfield markay tahay Ogosto 4 si ay uga caawiso dadka degan Vermont uu daadadka saameyey iney bilaabaan soo-kabashadooda. Si wadajir ah DRC, goob ku-meel-gaar ah oo la dhisey iyadoo iskaashanayaan Springfield, gobolka Vermont iyo FEMA, ayaa ka caawin doona ka-badbaadayaasha iney codsadaan gargaar FEMA, ay dukumintiyo soo geliyaan loogana jawaabo su'aalahooda waji-ka-waji.
Xarun Kasoo-kabasho Musiibo (DRC) ayaa laga furi doonaa Barton ee Gobolka Orleans markay tahay 8 subaxnimo Ogosto 3 si ay uga caawiso dadka degan Vermont uu daadadka saameyey iney bilaabaan soo-kabashadooda. Si wadajir ah DRC, goob ku-meel-gaar ah oo la dhisey iyadoo iskaashanayaan Barton, gobolka Vermont iyo FEMA, ayaa ka caawin doona ka-badbaadayaasha iney codsadaan gargaar FEMA, ay dukumintiyo soo geliyaan loogana jawaabo su'aalahooda waji-ka-waji.
PDF-yo, Madbaacado & Isgaarsiin
Eeg Agabka Madbaacyada Musiibo ee baraha bulshada iyo nuxur muuqaal ah si uu kaaga caawiyo gudbinta wax ku saabsan kasoo-kabashada guud ee musiibada.
Wax faylal ah laguma sumadain musiibadan.