SALEM, Ore. – Iyadoo ka jawaabeyso burburkii dhacay Sateembar 2020, kana dambeyay dabkii iyo dabaylahii tooska uga dhacay Oregon, FEMA waxay iminka ku hawlan tahay raadinta shirkadaha daneeya ee aqoonta u leh maamulka hantida, in ay ka soo qeybgalaan Brograamka Kirada Tooska (Direct Lease Program) si guryo ku meel gaar ah loo siiyo dadka ka badbaaday dabka Lane County.
Sida hoos timaado Brograamka Kirada Tooska (Direct Lease Program), waxaa dhici karto in FEMA ay heshiis la gasho milkiileyaasha kireeyo hantida la daggo, kuwa aysan caadi ahaan heli karin dadweynaha guud (sida abarmanada shirkadaha, guryaha labaad, iwm.) kuwaasoo ay arjiileyaasha FEMA u isticmaali karaan sida guryaha ku meel gaarka ah. Taariikhda ugu dambeyso ee laga rabo in ay ku soo jawaabaan milkiileyaasha hantida waa 2 p.m. PST, Febraayo 12, 2021.
FEMA waxay aasaasiyan ku hawlan tahay raadinta shirkadaha maamulka la heli karo, ee inta badan hawlahooda ka fulliya Lane County, balse dhamaan milkiileyaasha hantida la daneeyo waxaa lagu dhiirigelinaa in ay ka soo qeybgalaan. Sida hoos timaado Kirada Tooska (Direct Lease), FEMA waxay ku hawlan tahay raadinta hantida aysan caadi ahaan heli karin dadweynaha guud iyo hantida diyaarsan oo laga kireyn karo FEMA. Hantida waa in la waafajiyo dhamaan sharciyada/heerarka deegaanka, gobolka, iyo federaalka. Tusaalooyinka hantida xaqa u yeelata waxaa ka mid ah, balse kuma eka; abarmanada shirkadaha, guryaha la kireysto fasaxa, iyo guryaha labaad (guryaha halka qoys, guryaha qoysaska badan, abarmanada, kondominiumyada, guryaha "townhomes" iyo hooyga diyaarsan ee warshadaha lagu sameeyo. Hantida ku sugan Kirada Tooska (Direct Lease) waa in loo bixiyo sida guryaha ku meel gaarka ah xagga arjiileyaasha FEMA muddo aan ka yareyn 18 bil, loona raaciyo fursad lagu dheereeyo kirada.
Si aad u heshid liis dhamaystiran oo ku saabsan qodobada iyo sharuudaha, sharuudaha hantida iyo habka aqoonsiga hantida ee Codsiga Brograamka Kirada Tooska (Direct Lease Program Request) booqo https://go.usa.gov/xs3ef.
Shirkadaha maamulka hantida daneeya, fadlan keen macluumaadka soo socdo:
- Magaca hantida, goobta, magaca milkiilaha hantida, iyo nambarka telefoonka;
- Tirada guryaha (musqul gaar ah, jikko, iyo fadhi) ay FEMA heli karto una isticmaali karto si gaar ah iyo tirada qolalka jiifka ay qeyb kasta leeyahay;
- Tirada guryaha u hoggaansan Heerarka Gelitaanka Mideysan ee Federaalka (Uniform Federal Accessibility Standards) iyo/ama sifooyinka guriga (guryaha) ay geli karaan dadka itaalka darran.
- Xaqiijinta in milkiilaha hantida uu bixiyo, waxbana lagu lahayn xagga bixinta deynta hantida;
- Xaqiijinta in hantida diyaarsan tahay lana heli karo si arjiileyaasha ugu soo guuraan;
- Taariikhda isticmaalka dhismaha (taariikhda loo isticmaalo kiraa, iwm.) haddii lagu dabaqi karo;
- Xannibaadyada lagu dabaqi karo lana xariira xoolaha guri joogga, sida xoolaha guri joogga ee loo ogol yahay guryaha iyo xannibaad kasta oo ku saabsan tirada xoolaha guri joogga ama cabbirka xoolaha, iyo dhaafidda xoolaha lagu dabaqi karo;
- Tirada boosaska baabuurta la dhigto (kana mid ah kuwa la geli karo iyo kuwa baabuurta fanka ay geli karaan) ee laga heli karo qeyb kasta, haddii lagu dabaqi karo;
- Baaxadda kirada hantida, kana mid ah khidmadaha la xariira;
- Danabka waxay ku jiraan kirada; iyo
- Tirada guryaha sida buuxsan loo furaashay.
Codsigaan lagu doonaayo macluumaadka ma aha codsi lagu doonaayo sicirada (quotes). Jawaabaha laga bixiyo ogeysiiskaan waxaa loo adeegsan doonaa in lagu ogaado hantida la kullanta habka kirada tooska si dadka ka badbaaday musiibada ee xaqa u yeesha toos loo siiyo kaalmo, habka ugu kharashka yar, iyo waqtiga ku habboon. FEMA waxay rabtaa in ay hesho macluumaadka suuqa ama awood loo adeegsadao ujeedooyinka qorsheynta.
Jawaabaha laga bixiyo ogeysiiskaan macluumaadka ma aha bixin mana aha wax ay ogolaan karto Dawladda sida heshiis waajib ku ah labada dhinac. Dhamaan jawaabaha waa in lagu soo gudbiyo qoraal habka emailka loona diro DR-4562-OR-MLRP@fema.dhs.gov lana gaarsiiyo kama dambaynta 2 p.m. PST, Febraayo 12, 2021. Lama qaban doono telefoonada soo dhaca mana laga soo jawaabi doono.
###
Waxaa la heli karaa kaalmada looga kabsado musiibada iyadoo aan la fiirinin isirka, midabka, diinta, asal qaran, jinsiga, da'da, itaal darrida, aqoonta Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaalaha. Haddii adiga ama qof aad taqaanid la takooray, wac FEMA telefoonka lacag la'aanta FEMA 800-621-3362 (TTY 800-462-7585). Kuwa isticmaala adeegga Laliska (Relay service) sida telefoonka-fiidiyowga, InnoCaption ama CapTel waa in ay FEMA la socodsiiyaan nambarka loo siiyay adeeggaas. Waa in ay la socdaan in telefoonada FEMA laga soo diri karo nambar aan la aqoonsan karin. Waxaad heli kartaa hawlwadeno ku hadla luqado badan. (Riix 2 si aad u heshid Isbanish).
Dadka ka badbaaday musiibada ay waxyeelada ka soo gaareen dabka duurka Oregon iyo dabaylaha tooska u dhaca waxay kaloo kaalmo ku koobana qofka oo yareysa khasaarada ka heli karaan Ku-Takhasusaha Yareynta Dhibaatada ee FEMA (FEMA Mitigation Specialist) si loo hagaajiyo, dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo. Si aad u heshid macluumaad ku saabsan sida dib loo dhiso ammaanka loona xoojiyo ama loo ogaado halista fattahaadda cusub ee ku xigta dab ka kacay agagaarkaada, email u dir FEMA-R10-MIT@fema.dhs.gov, waxaa kuu soo jawaabi doono Ku-Takhasusaha Yareynta Halista oo ka socda FEMA (FEMA Hazard Mitigation specialist) oo ka jawaaba su'aalaha dadka ka badbaaday.
Waxaad Gobolka FEMA 10 (FEMA Region 10) kala socotaa Twitter iyo LinkedIn si aad u heshid wararkii ugu dambeyay iyo booqo FEMA.gov si aad u heshid macluumaad badan.
Himilada FEMA waxay tahay in la kaalmeeyo dadka ka hor, inta ay socoto, iyo kaddib musiibooyinka.